Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa laga soo dejiyay ku dhawaad 50 dhallinyaro Soomaali ah.
Dowladda Turkiga ayaa soo tarxiishay dhallinyaro Soomaali ah oo lagu qabtay xuduudaha dalka Turkiga.
Dhallinyaradan ayaa la sheegay in qaar kamid ah ay dalka Turkiga ku tageen si sharci ah, halka qaar kalena ay halkaas ku dhammaysteen waxbarashadooda. Qaar kale ayaa la sheegay inay Turkiga u tageen si ay uga sii tahriibaan dalka.
Ciidamada Turkiga ayaa la sheegay inay xakameyn adag ku sameeyaan xuduudaha dalka, si looga hortago tahriibka iyo in dhallinyaro badan oo Soomaali ah ay dalkaasi kasoo gudbin.
Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa inta badan tahriibka u raadsada fursado shaqo iyo nolol wanaagsan, maadaama ay dalka ka jirto shaqo la’aan baahsan

