SO | EN

SO | EN

Turkiga oo tijaabooyin adag ku maraya dalka Suuriya

|

Suuriya (KAAB TV) – Dowladda Turkiga ayaa haatan loo arka quwada ka dambeysay isbeddelkii ka dhacay Suuriya, kaddib markii la riday nidaamkii Bashaar Al-assad, wax kasta oo ka soconaya gudaha Suuriya, waa marxalada fudud ee tijaabada adag ee Turkiga ku wajahayo gudaha Suuriya.

Sidoo kale, isbeddelka Suuriya, wuxuu yimid toddobaadyo uu Erdogan uu ku celceliyay inuu Turkiga wajahayo xaalad khatar ku ah jiritaankiisa, isagoo markaa sheegay inay Israa’iil tahay cidda doonaysa inay waxyeelayso Turkiga, marka la tixraaco loolanka ka dhex socda gudaha Suuriya, waxaad oggaanaysa Turkiga inuu go’aamiyay dhibaatada ku soo wajahan inuu ku dhex xalliyo gudaha dhulka Suuriya, halkii loo soo tallaabi lahaa dhulka Turkiga nuxurkuna waa in ujeeddo la’aan uusan Turkiga ugu dhaqaaqin xil ka tuuristii nidaamkii Bashaar Al-assad.

Dhanka kale, Netanyahu ayaa saacado ka hor sheegay in ciidanka Israa’iil uu ku amray inay taageerraan bulshada Druze oo heysta jinsiyada Israa’iil oo maamusha dhulka ay degganyihiin, kuwaas oo doonaya inay ka hortagaan wax uu ku sheegay duullaan ay ciidanka Suuriya ku qaadeen magaalada Jaramana oo ay ku badanyihiin Druze, waxayna kaliya 3 km dhinaca koonfureen ka jirta magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, sida uu baahiyay wargeyska Washington Post, oo xiganaya warsaxaafadeed uu siidayay xafiiska Netanyahu iyo taliska ciidanka Israa’iil oo lagu sheegay.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu madaxweynaha Turkiga Erdogan oo yiri “Waa dhammaatay xilligii kuwii qarnigi la soo dhaafay sida xorta ah gobolkan ugu dhex mushaaxayay oo ku dhaqmaya siyaasad qaybi oo xukun, wixii hadda ka dambeeya mustaqbalka gobolka waxaa go’aamin doona dadkii hore u lahaa.”

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News