SO | EN

SO | EN

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB TV) – Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi ah loo helay.

Sida ay qortay Nordic Monitor, Heshiiska ayaa u ogolaanaya shirkad Turkiga laga leeyahay inay sahamin iyo soo saarid ka fuliso xeebaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay heli doonto kaliya saami dhan 5% boqolkiiba dakhliga guud ee kasoo baxa kheyraadkaasi.

Sida laga arkayo dukumintiga, Turkiga ayaa ballan qaaday inuu bixiyo kharashyada sahminta iyo

qalabeynta, halka Soomaaliya ay noqon doonto la-hawlgalaha rasmiga ah.

“Sida ku cad Qodobka 4.7, Turkigu wuxuu xaq u leeyahay ilaa 90% batroolka ama gaaska uu sannad walba soo saaro iyadoo loo marayo nidaamka “cost petroleum,” taasoo u oggolaanaysa inuu daboolo kharashaadka sahminta iyo soo saarista kahor inta aan la qaybsan faa’iidada,” ayaa lagu yiri heshiiska.”

Si kastaba ha ahaatee, saamiga dakhliga ayaa dhaliyay dood weyn oo ku saabsan caddaaladda heshiiskan. Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta heshiiska.

Diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal dhaqaalaha ah ayaa sheegay in heshiiska noocan oo kale ah uu noqon karo mid lagu lumin karo mustaqbalka dhaqaalaha dalka haddii aan dib-u-eegis lagu sameynin.

Baarlamanka Soomaaliya oo horey u meel mariyay heshiiskaan ayaan arkin nuqulka rasmiga ah ee heshiiska, sida ay sheegeen xildhibaano dhaliilsanaa heshiiskan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News