SO | EN

SO | EN

Ugaas kasoo jeeda Gedo oo isku day dil ka badbaaday

|

Muqdisho (Kaab TV) – Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa lagu soo waramayaa in uu ka badbaaday shirqool di ah, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kullane Jiis oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka kana soo jeedo gobolka Gedo ugaaskana ey isku beel yihiin.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in Ugaas Maxamed uu dirqi kaga badbaaday shirqool iyo dhagar la rabay in lagu khaarajiyo,” ayuu yiri Xildhibaan Kullane Jiis.

Kulane Jiis ayaa tilmaamay in isku dayga dilka larabay in Ugaas lagu dilo uu soo maleegay Axmed Madoobe.

“Laga bilaabo saacadaas, weerarkaas iyo masuuliyadiisa iyo weliba xariiq iyo xagtin kasta oo soo gaarta Ugaas Mohamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, waxa qaadi doona R/Wasaare Xamze Cabdi Bare, maadaama isagu yahay madaxa ugu sarreeya ee Xukuumada Federalka Soomaaliya” sida uu hadalka udhigay Xildhibaan Cabdullahi Kullane Jiis.

Xildhibaanka ayaa sheegay in R/Wasaare Xamze Cabdi Bare uu dhinac kawado qilaafka kataagan gobolka Gedo, iyadoo uu Jubbaland uu horey god dheer ugu riday sida uu hadalka udhigay.

“Iskudayga Dilka Ugaasku waa gal waxuushnimo ah, kaas oo gebi ahaanba kasoo horjeeda dhaqankeena suuban ee Islaamnimo iyo keena Soomaaliyeed, waxaana maqdac ah oo xariman in lagu xad gudbo birmageedadda iyo muqadasaadka dhaqan ee umadi leedahay.” ayuu kuyiri qoraalkisa Xildhibaanka.

Hasayeeshee, waxa uu shacabka iyo dadweynaha reer Gedo ugu baaqay ilaalinta Ugaaskooda, “ilaashada sharafkiina oo ha ogolaanina in cirdigiina iyo cimaamadiina lagu xad gudbo. ayuu yiri xildhibaan Cabdullahi Kullane Jiis

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News