Baledweyne (KAAB TV)- Waxaa maanta si rasmi ah loogu Caano shubaya deegaanka Daara Ugaas ee duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan Ugaaska beelweynta Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Wafuud aad u tiro badan oo ka kala yimid daafaha Caalamka ayaa ka qeyb galaysa munaasabada lagu Caana shubayo Ugaaska beelaha Xawaadle oo haatan ka bilaabatay deegaanka Daara Ugaas oo ah goob u gaar ah Caana shubka Ugaasyada Xawaadle.
Masuuliyiin kala duwan ayaa ka qeyb galeysa munaasabada lagu Caana shubayo Ugaaska Xawaadle oo ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka deegaanka Daara Ugaas.
“Maanta waxaa qormeeyso Tariikh iyo dhaqan soo Jireen ah, Daara-ugaas waxaa lagu duubi Saacado kadib, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo noqonaya Ugaaskii 21-aad ee Beelaha Xawaadle” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ka qeyb galaya Munaasabada Caleema saarka Ugaaska Xawaadle.
Ugaas Yuusuf ayaa badalaya aabihii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Muqdisho ku geeriyeeday bishii Febraayo 2021.
Madax sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa lagu wadaa in ay ka qaybgalaan caano-shubka Ugaaska, waxana magaalada Halgan maalmihii ugu dameeyay ku qulqulayay boqollaal qof oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye, Duqa Baladweyne Cabdulaahi Salaad Iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha NISA Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbalooshe iyo xubno ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa ku sugan Magaalada Baladweyne Si ay uga qeeyb galaan Caleema-saarka Ugaaska.
Ugu dambeyntii saacado kooban kadib ayaa si rasmi ah loo Caana shubi doona Ugaaska beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo badalay Alle ha u naxariistee Aabihiis Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.
W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan
Baledweyne.Somaaliya

