Muqdisho (KAAB TV) -Wasiirka Difaaca Uganda, Hon. Jacob Marksons Oboth, ayaa Jimcihii ka digay in ammaanka Soomaaliya uu si xawli ah u hagaagayo, kaddib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo xoojiyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Oboth oo ka hadlayay shir heer sare ah oo ay ku yeesheen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa sheegay in weerarada kooxda xagjirka ah ay halis ku yihiin in ay burburiyaan horumaradii ay sanado badan gaareen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.
“Khatarta argagixisanimadu waa mid dhab ah oo degdeg ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika oo dhan, waxaan halis ugu jirnaa inaan lumino guulihii adkaa ee aan si adag ugu dagaalannay inaan gaarno,” ayuu yiri Oboth.
Digniintan ayaa timid maalin kaddib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga labaad ee ugu weyn ciidamada Soomaaliya ee Wargaadhi, taasoo muujineysa awoodda joogtada ah ee kooxdu ay u leedahay beegsiga goobaha istiraatiijiga ah inkastoo sannado badan ay ka wadeen howlgallo ka dhan ah argagixisada.
Oboth ayaa ku nuux nuuxsaday in soo laabashada Al-Shabaab aysan halis ku aheyn kaliya dowladda taagta daran ee Soomaaliya balse ay sidoo kale halis ku tahay xasiloonida gobolka, isagoo ka digay cawaaqib xumo kale oo ka dhalan karta hadii aan la xakameynin awooda kooxda.
Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo beddelay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) 2024-ka, ayaa hawshoodu tahay inay taageerto ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda difaaca qaranka.
Si kastaba ha ahaatee, dhimista ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah ayaa abuurtay galdaloolo dhanka ammaanka ah oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ka faa’ideystaan. Inkastoo ay xoojiyeen howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa haddana kooxda ayaa bilihii la soo dhaafay weeraro ka fulisay gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, iyagoo ujeedkoodu ahaa in ay dib u soo ceshadaan dhulalka maqan, ayna carqaladeeyaan dadaallada xasilinta.