Nairobi (KAAB TV) – Madaxwaynihii Kenya Uhuru Keyatta ayaa sheegay inuu dareemayo dhibaatooyin joogta ah oo uu kala kulmayo Dowladda Madaxwaynaha hadda talada dalkaas haya ee William Ruto.
Waxa uu sheegay Uhuru Kenyatta in ciidamo fara badan dhawaan weerar ay ku qaadeen gurigaas talabadaas oo uu ku tilmaaay in ay ahayd mid gardara ah oo lagu soo qaaday naftiisa iyo Qoyskiisa.
‘’Keliya caqabada I haysata waa dhibaatooyinka aan kala kulmayo ciidanka taasna waa wax aan la ogolaan doonin ‘’ ayuu sheegay Madaxwayihihii hore ee Kenya Uhuru Keyatta .
Keyatta ayaa ugu baaqay in Dowladda ay joojiso talaabooyinka isaga ka dhanka ah iyo beegsiga gaarka ah ee lagu hayo Qoyskiisa ,’’ Haddii aad ii baahan tahay waa i kanaa ee isoo weerar ‘’ ayuu markale ku yiri Kenyatta.
Madaxweynihii hore ee Kenya ayaa sidoo kale beeniyay hub sharci darro ah oo la sheegay in ay heestaan carruurtiisa , gaar ahaan wiilashiisa Jomo iyo Muhoho, waxa uuna warka la baahiyay ku tilmaamay dacaayad dadka lagu qaldayo.
Madaxweynihii hore ayaa ku andacoonaya in labadiisa wiil ay wadar ahaan leeyihiin lix qori, isla markaana dhammaan qoryaha ay si sharci ah u diiwaan gashan yihiin.
Hadalka madaxweynihii hore ee Kenya ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda madaxweyne Rutu cadaadis ku heyso Uhuru iyo qoyskiisa oo dowladda ku tuhmeyso in ay maal-gelinayaan dibad-baxyada dowladda looga soo hor-jeedo.