LONDON (Kaab TV) – UK, France iyo Canada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay aqoonsan doonaan Dowlad rasmi ah oo ay yeelato Falastiin.
Saddexda dowladood ayaa sheegay inay aqoonsiga Dowladda Falasiin ee fadhigeedu yahay Qudus ku dhawaaqi doonaan marka la gaaro bisha Sebtembar ee soo socota, markaas oo shirka guud ee Qaramada Midoobay uu qabsoomi doono.
Dowladaha Spain, Norway iyo Ireland ayaa bishii May ee sannadkaan ku dhawaaqay aqoonsiga Dowladda Falastiin.
Israa’iil ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ka dib markii uu soo baxay go’aanka dowladda UK, waxay sheegtay inay aad uga niyad jabtay tallaabada UK oo ay ku sifeysay Israa’iil mid “abaalmarin u ah kooxda Xamaas”.

Go’aanka UK
Maalmo ka hor waxaa go’aanka aqoonsiga Falastiin ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha UK, Kier Starmer oo sheegay in “haddii Israa’iil ay joojin weyso dagaalka Gaza iyo go’doominta dadka reer Falastiin” in UK ay si rasmi ah u aqoonsan doonto Falastiin bisha Sebtembar.
UK waxay sidoo kale ku baaqaday in deg deg loo siidaayo dad laga soo afduubay Israa’iil oo ay heystaan kooxda Xamaas ee reer Falastiin.
Illaa in ka badan 220 xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka UK ayaa dhowaan warqad ay qoreen u soo jeediyay Dowladda UK inay aqoonsato dowlad xor ah oo ay leeyihiin reer Falastiin, taas oo ka garab dhisan Israa’iil.
“Waxaan qaadanay go’aanka sababtoo ah dagaalka aan dhammaadka lahayn, hor istaagista gargaarka iyo carruurta u dhimaneysa macluusha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kier Starmer.
Go’aanka France
Madaxweynaha France, Emmanuel Macron, ayaa isaguna 24kii bishaan July u dhawaaqay in France ay si rasmi ah u aqoonsan doonto dowladda Falastiin bisha Sebtembar.
Consistent with its historic commitment to a just and lasting peace in the Middle East, I have decided that France will recognize the State of Palestine.
I will make this solemn announcement before the United Nations General Assembly this coming September.… pic.twitter.com/VTSVGVH41I
— Emmanuel Macron (@EmmanuelMacron) July 24, 2025
Ku dhawaaqista ayaa ka dhici doonta shirka guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhici doona New York.

“Iyadoo la jaanqaadaysa ballanqaadkeeda taariikhiga ah ee ku aaddan nabad caddaalad ah oo waarta Bariga Dhexe, waxaan go’aansaday in Faransiisku aqoonsado Dowladda Falastiin,” ayuu yiri Madaxweyne Macron.
Israa’iil ayaa horey u cambaareysay go’aanka France kuna tilmaantay mid u hiilinaaya kooxda Xamaas oo ay Israa’iil iyo waddamada Galbeedka ku dareen liiska kooxaha argagixisada.
Canada oo shuruudo ku dartay aqoonsiga Falastiin
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa sheegay in dalkiisa uu qorsheynayo inuu aqoonsado dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah bisha Sebtembar, taasoo ka dhigeysa Canada dalkii saddexaad ee ka tirsan waddamada warshadaha ku hormaray ee G7 oo ku dhawaaqa tallaabadan maalmihii u dambeeyay.
Canada has long been committed to a two-state solution — an independent, viable, and sovereign Palestinian state living side by side with the State of Israel in peace and security.
My statement on Canada’s recognition of a Palestinian state: pic.twitter.com/VHW1ziQ9s0
— Mark Carney (@MarkJCarney) July 30, 2025
Ra’iisul Wasaare Carney wuxuu sheegay in aqoonsigaasi uu ku xirnaan doono isbeddello dimuqraadi ah, oo ay ka mid tahay in Maamulka Falastiin qabto doorashooyin sanadka 2026 – iyada oo aan ururka Xamaas ka qeybgali doonin doorashooyinka Falastiin.
Dowladda Falastiin waxaa si rasmi ah loo dhisay 15-kii November 1988, markaas oo Golaha Qaranka Falastiin (Palestine National Council) uu ku dhawaaqay madax-bannaanida dowladda Falastiin shir ay ku yeesheen magaalada Algiers ee dalka Algeria.
Yasser Arafat, oo markaa ahaa hogaamiyaha Ururka Xoreynta Falastiin (PLO), ayaa noqday madaxweynaha dowladdaas la dhawaaqay.
Imisa dowladood ayaa aqoonsaday Falastiin?
Ilaa hadda, in ka badan 140 waddan oo xubno ka ah Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Dowladda Falastiin.
Waddamada intooda badan ee Asia, Afrika, Latin America, iyo Bariga Dhexe ayaa aqoonsaday Falastiin.
Dalalka reer galbeedka (sida inta badan G7: Mareykanka, UK, Jarmalka, Japan, iyo Canada) wali si rasmi ah uma aysan aqoonsan, inkastoo qaar, sida Spain, Ireland, Norway, iyo hadda ay u muuqato in Canada iyo France ay ku biiri doonaan, ay bilaabeen inay si rasmi ah u taageeraan aqoonsiga Falastiin.
Qaramada Midoobay
Falastiin waxaa laga aqbalay xubin kormeere ah oo aan cod lahayn Qaramada Midoobay sanadkii 2012, iyadoo lagu magacaabay “Dowlad aan xubin buuxda ahayn”.

