LONDON (Kaab TV) – Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay ciidamo geyso dalka Ukraine halkaasoo dagaal u dhexeeya ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka uu ka socdo.
dagaalka oo hadda galay saddex sano ayaa waxaa uu noqday midka ugu saameynta badan waddamada Yurub, waxaana hadalheynta ay dib u soo xoogeysatay ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu toddobaadkii hore dhammaadkiisii hadallo weerar afka ah iyo cannaan uu kala dul-dhacay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Taageerada UK
Ra’iisul Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, ayaa ku dhawaaqay heshiis gantaalo oo qiimihiisu yahay £1.6bn oo loo dirayo Ukraine, kadib shir ay madaxda Yurub ku yeesheen London Axaddii.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ka qeyb galay shirkan ay 17 hoggaamiye Yurubiyan ah iyo ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau, uga arrinsadeen tallaabooyinka xiga ee lagu sugi karo nabadda Ukraine.
Taageeradan ayaa timid ka dib markii uu madaxweyne Volodymyr Zelensky si toos ah uga soo degey London saacado uun ka bacdi markuu kasoo baxay shirkii la isku buuqay ee ka dhacay Aqalka Cad galabnimadii Jimcaha.
Shirka taageerada Ukraine, oo ay qaban-qaabisay dowladda UK, ayaa ka dhacay daarta Lancaster House ee magaalada London.
UK ayaa sidoo kale ku dhawaaqday lacag deyn ah oo dhan £2.26 bilyan si loo xoojiyo awoodda difaaca Ukraine. Lacagtaasoo laga soo jari doono lacago horey looga xayiray Ruushka oo ku jirta bangiyada reer Galbeedka.
Sidoo kale UK ayaa shaacisay in “tirro” xulafo ah ay saxiixeen “iskaashi diyaar u ah” inay ciidamada u diraan safka hore ee Ukraine haddii la gaaro heshiis nabadeed.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha taageeray qorshahan.