UK oo Iran kala baxday shaqaalihii safaaradeeda Tehran iyo cabsi dagaal ka qarxa Bariga Dhexe

|

LONDON (Kaab TV) – Boqortooyada Ingiriiska ayaa si ku meel gaar ah dalka Iran uga soo qaadatay qaar ka mid ah shaqaalaheeda safaaradda ku taalla Tehran.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK ayaa lagu sheegay in safaaradda Tehran ay sii shaqayn doonto oo laga maamuli doono waddan kale.

Xiisadda Iran iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareertay, waxaana Iran afarta gees ka fadhiya maraakiibta dagaalka ee Mareykanka.

Waxaa si wryn loo hadalhayaa in Mareykanka maalmaha soo socda uu duqeymo cirka ah iyo dhanka badda kaga qaadi doono Iran.

Dhanka kale, safaaradda Maraykanka ee Israel ayaa u oggolaatay qaar ka mid ah shaqaalaha aan degdegga ahayn inay dalka ka baxaan Jimcaha.

Safiirka Maraykanka ee Israel, Mike Huckabee, ayaa kula taliyay shaqaalaha doonaya inay baxaan inay “maanta baxaan,” sida uu qoray wargeyska The New York Times.

Arrintan ayaa imanaysa maalin kadib markii Washington iyo Tehran ay yeesheen wada-hadallo loo arkayay isku daygii ugu dambeeyay ee looga hortagayo dagaal ka dhasha barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

Dalal kale oo ay ka mid yihiin China, India iyo Canada ayaa sidoo kale muwaadiniintooda ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Iran, sababo la xiriira suurtagalnimada colaado.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku hanjabay tallaabo militari oo ka dhan ah Tehran haddii aan heshiis laga gaarin barnaamijkeeda nukliyeerka.

Trump ayaa amar ku bixiyay isu-geyn ciidankii ugu badnaa ee Maraykanku geeyo gobolka Bariga Dhexe tan iyo duullaankii uu hoggaaminayay Maraykanku ee Ciraaq sanadkii 2003, halka Iran ay ku gooddisay inay si xooggan uga jawaabi doonto weerar kasta.

Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa u sheegay wargeyska The Washington Post in weerarro ay weli miiska saaran yihiin, balse uusan jirin “fursad” Maraykanku ugu lug yeelan karo dagaal daba-dheeraada.

Wada-hadalladii dadban ee Khamiistii ka dhacay magaalada Geneva ayaa lagu sheegay inay keeneen “horumar la taaban karo,” sida uu sheegay dhexdhexaadiyaha dalka Cumaan, oo intaas ku daray in wada-xaajoodyo kale dhowaan dhici doonaan.

Ilaa hadda wax jawaab rasmi ah kama soo bixin Washington, halka Tehran ay ku ammaantay wada-hadallada “horumar wanaagsan.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News