LONDON (KAAB TV) – Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay ka tanaasulayso xukunka Jasiiradaha Chagos ee Bariga Afrika, si loo xalliyo eedeymaha gumeysiga Ingiriiska e adduunka ee weli sii socda.
Jasiiradaha Chagos, oo ku taalla Badweynta Hindiya, ayaa waxaa gacanta ku haysay Boqortooyada Ingiriiska tan iyo 1960-meeyadii, balse jasiiradahan waxaa iska leh dalka Mauritius.
Ka dib wada hadallo muddo dheer socday, ayay dowladda UK ogolaatay inay wareejiso jasiiradahan oo ay haysatay muddo nus qarni ah.
War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha UK, Kier Stamer, ayaa xaqiijiyay arrinkaan.
Hase ahaatee UK iyo USA waxay sii joogi doonaan saldhig ciidan oo ku yaalla jasiiradaha halkaasoo Mareykanka ay u yaallaan maraakiib iyo diyaarado dagaal.
Sanadihii u dambeeyay, waxaa sii kordhayay cadaadis caalami ah oo lagu saarayo Boqortooyada Ingiriiska inay ka tanaasusho xukunka jasiiradaha.
Sanadkii 2019, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa xukuntay in maamulka UK ee jasiiradaha uu sharci darro yahay, waxaana Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saaray qaraar dalbanaya in UK ay isaga baxdo jasiiradaha.
UK waxaa kaloo lagu eedeeyay inay si xoog ah uga rartay dadka asaliga ah ee Chagossians oo ahaa dadka lahaa dhulka, kuwaas oo guryahooda laga qaatay intii u dhaxaysay 1968 iyo 1973 si looga dhiso saldhig ciidan oo Mareykanku leeyahay jasiiradda ugu weyn ee Diego Garcia.
Go’aanka UK ay hadda gaartay waxaa loo arkaa tallaabo lagu saxayo caddaalad-darrooyinkii taariikhiga ahaa ee gumeysiga la xiriiray ee caddaanku ka geysteen Afrika.