UK (KAAB TV) – Dowladda UK ayaa xoojinaysa iskaashiga difaaceed ee ay la leedahay waddamada Kenya, Soomaaliya, iyo Nigeria, taas oo qayb ka ah istaraatijiyad cusub oo xoogga lagu saarayo ammaanka Afrika.
Iskaashigan ayaa lagu sheegay warbixin cusub oo ku saabsan Dib-u-eegista Difaaca (Strategic Defence Review – SDR) oo ay daabacday dowladda Ra’iisul Wasaare Keir Starmer.
Warbixintan ayaa saddexdan dal ku tilmaamtay kuwo saaxiibo istaraatiiji ah oo muhiim u ah la dagaalanka hanjabaadaha caalamiga ah iyo ilaalinta marinada ganacsiga iyo badda ee muhiimka ah.
UK ayaa Soomaaliya ku tilmaamtay in ay tiir muhiim u ah danaha amniga ee UK. Iyadoo la tacaalaysa kacdoonka sii xoogaysanaya ee Al-Shabaab. Soomaaliya ayaa UK ka heshay taageero ballaaran, oo ay ku jirto lacag dhan $3.9 milyan oo lagu kordhiyay Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed.
Sida lagu sheegay warbixinta, Maalgelintan ayaa taageeraysa sahayda ciidanka, nolosha ciidamada, iyo daadgureynta caafimaad, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xasilinayo amniga Soomaaliya
Iskaashi ballaaran oo ay UK la yeelanayso dalalka Afrika ayay sheegtay inuu noqon doono tiir muhiim u ah amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee UK ee mustaqbalka fog.