Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

UK, US iyo Canada oo cunaqabatayn saaray guddoomiyihii hore Bangiga Lubnaan iyo xubno ku dhow

|

LONDON (KAAB TV) – UK, Mareykanka iyo Canada ayaa cunaqabatayn ku soo rogay guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Lubnaan, Riad Salameh iyo saddex asxaabtiisa ah ka dib markii ay lunsadeen in ka badan 300 milyan oo doolar oo lacagta bangiga ah taasoo ay u adeegsadeen dano gaar ah.

Cunaqabateynta ka dhanka ah Riad Salameh iyo saaxiibadiisa dhow, oo uu ku jiro walaalkiis Raja Salameh, waxaa wadajir u soo saaray dowladaha UK, Mareykanka iyo Canada.

War saxaafadeed ay soo saareen saddexda dowladood ayey ku sheegeen in ficilada Riad Salameh ee lunsashada hantida ay ka faa’iideysteen naftiisa iyo saaxiibadiisa ku dhow dhow.

Walaalkiis Raja Salameh, kaaliyihiisii hore Marianne Hoayek iyo xaaskiisii hore ee Anna Kosakova ayaa dhaqaale ahaan ka faa’iideystey musuqmaasuqan, iyaga oo jeebkooda ku shubtay lacag ay leeyihiin dadka reer Lubnaan. Dhammaan afarta qof ayaa lagu soo rogay xayiraad dhanka safarka ah iyo xannibaado hantida.

Anna Kosakova, oo ahayd xaaskii hore ee Riad Salameh ayaa hal cunug u heysa Riad Salameh. Waxaana dowladda Maraykanku ay soo rogtay cunaqabatayn dheeraad ah oo la saaray wiil uu dhalay Riad Salameh oo lagu magacaabo Nady Salameh.

Boqortooyada UK waxay sheegtay in cunaqabatayntan ay la kaashatay saaxiibadeeda muhiimka ah ee Maraykanka iyo Canada.

“Tani waxay muujinaysaa sida ay UK uga go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa Lubnaan,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka dowladda UK.

Wasiiru dowlaha UK u qaabilsan Bariga Dhexe, Lord Axmad wuxuu yiri “Riad Salameh iyo saaxiibadiisa ugu dhow waxay ka xadeen dadka Lubnaan oo ay ka xadeen ilo muhiim u ah xasilloonida dhaqaale iyo bulsho.”

Waa markii ugu horreysay oo dowladda UK ay u adeegsato nidaamka cunaqabateynta caalamiga ah ee ka hortagga musuqmaasuqa shaqsiyaadka ku lugta leh musuqmaasuqa Lubnaan. Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamkan Abriil 2021, UK waxay soo saartay cunaqabatayn ka dhan ah 39 qof iyo hay’ado si loola dagaallamo musuqmaasuqa adduunka oo dhan.

UK waxay sheegtay in cunaqabateyntan aysan saameyn doonin Bangiga Dhexe ee Lubnaan.

Waa la cunaqabateeyey: Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Lubnaan Riad Salameh.

Waa kuma Riad Salameh?

Riad Salameh ayaa beeniyay eedeymaha musuqmaasuqa, wuxuuna sheegay inuu ka iska difaaci doono, isagoo intaa ku daray in qaar ka mid ah hantidiisa horey loogu xayiray baaritaanadii hore.

Guddoomiyihii hore ee bangiga dhexe Lubnaan ‘Banque du Liban’, ayaa xilka ka tagay 31-kii July ka dib markii uu xilka hayay tan iyo 1993.

Riad Salameh waxaa hareeyay sumcad darro iyo fadeexado waaweyn ka dib markii uu burburay qaybta bangiyada ee Lubnaan sababo la xiriira lacago tiro badan oo loo weeciyay dalal dibadda ah iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay Salameh musuqmaasuq ka dhacay gudaha dalka iyo dibadda.

Bishii Febraayo, Lubnaan ayaa ku soo oogtay Guddoomiyihii hore Bangiga Dhexe ee Lubnaan dambiyo lunsi lacag, lacag la dhaqay iyo canshuur ka dhuumasho.

Bishii May, mas’uuliyiinta Faransiiska iyo Jarmalka ayaa sidoo kale soo saaray warqado lagu soo xirayo, iyadoo ogaysiisyada digniinta cas ee booliska adduunka ee Interpol ay ku caddeeyeen in labada dal ay raadinayaan isaga oo lagu eedeeyay lacago la dhaqay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News