SO | EN

SO | EN

Ukraine oo fajac ka muujisay sida uu Trump u maamuusay Putin

|

Kyiev (KAAB TV) – Oleksandr Merezhko, guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Ukraine, ayaa sheegay saaka in uu u arko in arrinta ugu yaabka badan shir-madaxeedkii Turump iyo Putin ay ahayd sida diirran ee Trump ula dhaqmay Putin.

“Maskaxdayda ma hilmamai karto muuqaalkii nacasnimada ahaa ee ka dhacay Xafiiska Oval – kulankii uu la yeeshay Zelensky,” ayuu yiri, isagoo ula jeeday is-maandhaafkii Trump iyo madaxweynaha Ukraine ku dhex maray Aqalka Cad bishii Febraayo.

“Madaxweynaha Ukraine waxaa loola dhaqmay si gardarro ah. Halka xalay aan daawanaynay cadowga Maraykanka, Putin, oo si diirran loo soo dhaweeyay, loona maamuusay sidii shakhsiyad weyn,” ayuu yiri Merezhko.

Isagoo ku sugan Kyiv, ayuu sheegay in u hogaansanaanta Trump ee Putin ay u egtahay hoos u dhac iyo ceeb u soo hoyatay Maraykanka.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Ukraine ayaa intaa raaciyay “Maraykanku waa saaxiibkeen. Putin waa cadow, waa kali-taliye,” .

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News