NAIROBI (Kaab TV) – Hay’adda Waxbarashada, Cilimga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO) ayaa u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer dhaqan oo ku saleysan sharciyada bulshada Soomaalida Ciise ee ku nool Jabuuti, Itoobiya, iyo Soomaaliya, inay tahay qayb ka mid ah Dhaxalka Dhaqan ee Aan La Taaban Karin iyo inuu yahay mid caalami ah.
UNESCO ayaa go’aankan maalintii Khamiista ee toddobaadkii hore.
Xeerkan loo yaqaano Xeer Ciise ayaa la dejiyey muddo hadda laga joogo in ka badan 500 sano ka hor, waxaana sida buugaagta taariikhda ku qoran lagu dajiyay buurta Sitti ee Itoobiya.
Xeerku waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay nidaam sharciyeed oo dhaqameed oo muhiim ah, oo lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya beelaha xilliyo hore oo aysan jirin sharciyo kale iyo lagu maareeyo arrimaha bulshada wada deggan.
Arrimaha dilka iyo magta, xoolaha la kala dhaco, kufsiga, guurka iyo arrimo la mid ah ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu xallinaayo xeerka.
Sida taariikhdu ay sheegeyso waxaa xeerka Xeer Ciise qorriddiisa ka qeybgalay Guddi dhaqameedka ka kooban wakiillo ka socda 12 ka mid ah beelaha Ciise oo gaaraya 44 nin.
Waxayna muddo sannad ah fadhiyeen geed hoostooda si ay u xalliyaan murannada qabaa’ilka ayna u soo saaraan xeerkan Xeer Ciise.
Kiisaska adag waxaa loo gudbiyaa maxkamadda ugu sarraysa oo loo yaqaanno Gande, oo uu madax u yahay Ugaaska guud oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah iyo siyaasadeed ee beesha Ciise.
Habkan wuxuu tusaale u yahay sida dhaqanka loo sii noolayn karo, nabadda loo ilaalin karo, iyo isku xirka bulshooyinka oo xuduudo dhaafa.
Aqoonsiga UNESCO wuxuu xoojinayaa muhiimadda dhaqanka Xeer Ciise oo ah dhaxal nool oo kaalin weyn ka qaata nabadda iyo midnimada bulshada Soomaalida Ciise
Wuxuu aqoonsiga UNESCO yimid ka mid codsi ay direen dowladaha Ethiopia iyo Djibouti sannad ka hor kaasoo daba joogay shirweyne beelaha Ciise ku yeesheen gobolka Soomaalida ee Ethiopia sannad kahor.
Waxaa jirta buugaag dhowr ah oo laga qoray Xeer Ciise kuwaasoo lagu daabacay afafka Soomaaliga, English iyo qaar kale.
Hay’adda UNESCO ayaa sheegtay in Xeer Ciise uu mideeynaayo beelaha ku nool Geeska Afrika, wuxuuna xoojinayaa nabadda iyo midnimada qabaa’ilka dhexdooda ah. Waxa uu sidoo kale kor u qaadaa sinnaanta bulshada iyo hannaanka maamul wanaagga.