SO | EN

SO | EN

UNICEF: “15 Carruur ayaa Nafaqo-darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kamal Adwan ee Gaza”.

|

GAZA  (KAAB TV) – Sanduuqa taageera Carruurta ee Qaramada Midoobay loona soo yareeyo UNICEF ayaa warbixin kasoo saaray xaaladaha nafaqo-darrada ah ee ka jira Magaalada Gaza kaddib markii ay go’doon dhinaca cunnada ah ay geliyeen Israaiil.

Warbixinta UNICEF ayaa lagu sheegay in Isbitaalka Kamal Adwan ee Magaalada Gaza ay ku geeriyoodeen 15 Carruur oo xaaladdaas darteed u naf baxay waxaana uu soo jeediyay sanduuqu in la helo xal degdeg ah si ubadkaas loo badbaadiyo.

Mas’uuliyiin katirsan UNICEF oo soo xigtay saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Kamal Adwan ayaa sheegay in ay jiraan Carruur kale oo xaaladdoodu aad u liidato kuwaas oo u baahan daryeel caafimaad oo dheeraad ah.

Cunno la’aanta waxaa Dadka usii dheer Dawo la’aan iyo xasilooni darro waayo qof weliba oo ku sugan Magaalada Gaza waxa uu daqiiqad weliba oo noloshiisa soo marta uu ka cabsi qabaa duqaynta arxan-darrada ah ee Yuhuudda gaysanayso.

Gargaarkii loogu talagalay in Dadkaan lagu badbaadiyo ayaa ku xayiran Xadka Masar kaddib markii Xukuumadda Madaxweyne Al Siisi ay diiday in ay gudbiso sabab la xiriirta Israaiil oo hortaagan balse Qaahira ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in ay iyadu hortaagan tahay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News