CAMMAAN (Kaab TV) – Dowladda Urdun ayaa si rasmi ah u mamnuucday ururka Ikhwaanul Muslimiin, toddobaad kaddib markii ay sheegtay in xubno ka tirsan kooxdaas Islaamiga ah lagu xiray tuhun la xiriira qorsheyn weerarro gantaallo ah oo ka dhan ah ammaanka dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Urdun, Mazen al-Faraya, oo warbaahinta la hadlay Arbacadii, ayaa ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan xafiisyada ururka, hantidoodana lala wareegayo.
Sidoo kale Wasiirka ayaa intaa ku daray in dhammaan hawlaha ay kooxdu waddo loo aqoonsan doono sharci-darro.
Ilaa hadda, ururka Ikhwaanul Muslimiin kama aysan bixin war rasmi ah oo ay ku beeninayaan ama kaga jawaabayaan eedeymaha loo jeediyay.
Booliiska Urdun ayaa sidoo kale weeraray xarunta dhexe ee xisbiga siyaasadeed ee Islamic Action Front (IAF), oo ah garabka siyaasadeed ee ururka, islamarkaana ah xisbiga ugu weyn ee mucaaradka baarlamaanka.
Si kastaba, xoghayaha guud ee IAF, Wael Saqqa, ayaa sheegay in xisbigoodu si madax-bannaan u shaqeeyo isla markaana aanu wax xiriir ah la lahayn urur kale.
Go’aankan cusub wuxuu imaanayaa iyadoo maxkamadda sare ee dalka Urdun ay horay, sannadkii 2020, ugu kala dirtay ururka Ikhwaanul Muslimiin kadib markii lagu eedeeyay inuusan buuxin shuruudaha sharciga ah ee diiwaangelinta.
Si kastaba ha ahaatee, ururku wuxuu sii waday hawlihiisa, waxaana xisbiga IAF uu sanadkii hore ku guuleystay 31 kursi oo ka mid ah 138-ka kursi ee baarlamaanka.
Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay toddobaadkii hore markii waaxda sirdoonka Urdun ay shaacisay inay xireen 16 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen qorshe weerarro gantaallo ah oo lagu beegsan lahaa xarumaha dowladda iyo amniga qaranka.
Dadkaas ayaa lagu eedeeyay in ay haysteen hub iyo walxo qarxa, gantaallo gacanta lagu sameeyay, diyaarad aan duuliye lahayn oo la farsameeyay, iyo tababaro ay ka qaateen gudaha iyo dibadda dalka.
“Dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Urdun Mazen al-Faraya ayaa ku andacooday in xubno ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin ay “dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah ka wadaan gudaha dalka, kuwaas oo khatar gelin kara xasilloonida iyo ammaanka Urdun.”
Kooxdu waxay dafirtay eedeymaha, iyagoo sheegay in hawlahooda ay yihiin kuwo si nabadeed ku saleysan.
Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo asal ahaan laga aasaasay Masar qarnigii 20-aad bilowgiisii, ayaa tan iyo markaas si weyn ugu fiday waddamo badan oo Muslim ah.
Ujeeddadiisa ugu weyn ayaa ah hirgelinta dawlad Islaami ah oo ku dhisan shareecada. Urdun, oo muddo dheer martigelisay xubno iyo xafiisyo ururkan ka tirsan, ayaa hadda qaaday tallaabo cad oo ka dhan ah jiritaankooda sharci.