SO | EN

SO | EN

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ugu baaqay Xeer ilaalinta Puntland ee Gobolka Mudug in ay si deg deg ah u joojiyaan caga-juglaynta lagu haayo Agaasimaha Radio Gaalkacyo

|

MUQDISHO, Soomaaliya, 18 December, 2025 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa ugu baaqaya Xeer ilaalinta Puntland ee Gobolka Mudug in ay si deg deg ah u joojiyaan caga-juglaynta iyo baaqa loo jeedinayo Agaasimaha Radio Gaalkacyo Maxamed Cabdul Casiis, taasoo u muuqata mid qeyb ka ah olole ballaaran oo cadaadis la xiriira in idaacaddu ay baahiso khilaaf ka dhashay dhismaha golaha deegaanka ee gobolka Mudug.

Arbaco, December 17, 2014 (HOL) — Idaacadda Radio Gaalkacyo ayaa sheegtay in dacwad oogaha gobolka Mudug ee Puntland, Muxubo Faysal Axmed, uu soo saaray amar uu ku amrayo Maxamed Cabdul Casiis- agaasimaha idaacada ugu faca-weyn idaacadaha ay bulshadu leedahay ee Radio Gaalkacyo xarunteeduna tahay magaalada Gaalkacyo inuu horyimaado xafiiska xeer ilaalinta.

Nuqul ka mid ah yeedhmada SJS ayaa lagu yiri: “Xeer ilaalinta gobolka Mudug waxa ay ku amraysaa Agaasimaha Radio Gaalkacyo Maxamed Cabdul Casiis inuu horyimaado xafiiska xeer ilaalinta gobolka Mudug 20/12/2025 saacadu markay tahay 10:00 subaxnimo si uu uga jawaabo dacwad uu u gudbiyay xeer ilaalinta gobolka Mudug, Faysal Sheekh Cali.

Radio Gaalkacyo ayaa sheegay in u yeerida xeer ilaalinta gobolka ay tahay isku day lagu doonayo in xafiiska xeer ilaalinta lagu cabudhiyo warbaahinta.

 

A copy of the summons received by SJS states: “The Mudug Regional Prosecutor’s Office directs the Director of Radio Gaalkacyo, Mohamed Abdul Aziz, to appear before the Mudug Regional Prosecutor’s Office on 20/12/2025 at 10:00 a.m. to respond to a complaint filed with the Prosecutor’s Office by the Governor of Mudug Region, Faysal Sheikh Ali.”

Sida uu sheegay Maxamed Cabdul Casiis oo la hadlay SJS, u yeeritaankan ayaa daba socday warbixin ay dhawaan Radio Gaalkacyo ka qortay khilaaf ka dhashay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Heema ee waqooyiga Mudug. Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ayaa lagu eedeeyay in uu faragalin ku hayo gudoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali.

8dii Disembar, Radio Gaalkacyo ayaa bartiisa Facebook ku daabacay muuqaal muujinaya koox ka tirsan golaha deegaanka Gaalkacyo oo isku dayay inay booqdaan deegaanka Heema oo ah miyi ka baxsan magaalada Gaalkacyo, balse sida la sheegay ay is hortaageen kooxo hubeysan oo fulinaya amarka guddoomiye Faysal Sheekh Cali.

Isla maalintaas, idaacaddu waxay kaloo wadaagtay muuqaal kale oo ay ka soo muuqanayaan haweenka deegaanka Heema oo si toos ah baaq ugu diray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka codsaday inuu soo farageliyo.
Khilaafka ka taagan magaalada Heema ayaa daba socday xil ka qaadis lagu sameeyay golihii deegaanka ee hore, waxaana la sheegay in la doortay mid cusub. Xubnaha bulshadu waxay walaac ka muujiyeen xaaladaha abaareed ee sii xumaanaya, biyo la’aanta, iyo baahida loo qabo maamul degmo oo si dhab ah u matala oo fahansan xaqiiqada deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin badan oo loo xilsaaray aagga aysan ku noolayn, sidaas darteedna aysan si buuxda u fahmi karin dhibaatooyinka bulshada.

Mar aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino arrintan ayuu guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali ka gaabsaday inuu ka jawaabo.

Bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii Maxamed Cabdul Casiis iyo nin ay wada shaqeynayeen lagu xiray amarka Guddoomiye Faysal Sheekh Cali kadib markii Radio Gaalkacyo uu ka warbixiyay dibadbax ay dhigayeen dhalinyarada deegaanka oo dalbanayay in lala xisaabtamo magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa u qeybsan labo maamul oo kala ah dhanka waqooyi oo hoostaga Puntland, halka dhanka koonfureedna uu ka arimiyo maamulka Galmudug.
“SJS waxay ugu baaqaysaa Xeer-ilaalinta Gobolka Mudug ee Puntland inuu joojiyo dhibaataynta iyo u yeerida looga dan leeyahay in lagu aamusiyo wararka danta guud, waxaan sidoo kale ka codsaneynaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheekh Cali inuu joojiyo adeegsiga awoodda dowladnimo ee uu ku cabsi gelinayo suxufiyiinta ka hadlaya arrimaha xasaasiga ah ee bulshada,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Muumin.

“Mas’uuliyiinta dowladda oo ay ku jiraan kuwa gobolka Mudug waxaa saaran mas’uuliyado badan oo muhiim ah, waana in ay diiradda saaraan, intii ay ku lumin lahaayeen agabka ay ku beegsan lahaayeen warbaahinta sida aadka ah u tabineysa, bulshada deegaanku xaq bay u leeyihiin in ay ra’yigooda dhiibtaan, marka codkooda la dhageystona saxaafaddu waxa ay u adeegtaa difaaca safka hore ee ay tabanayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Muumin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News