SO | EN

SO | EN

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo walaac xooggan ka muujiyay afduubkii loo geystay wariye Ibraahim Maxamed Mayow

|

muqdisho (KAAB TV) – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa walaac xooggan ka muujiyay afduubkii loo geystay wariye Ibraahim Maxamed Mayow, oo lagu af-duubtay degmada Afgooye, oo qiyaastii 30km u jirta Muqdisho, Isniintii 24-kii Maarso, xilli uu magaalada ku soo warramayay.

Sida ay sheegayaan asxaabtiisa iyo xubno ka tirsan qoyskiisa, Mayow, oo ah wariye ka tirsan TV-ga Dalsan ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, ayaa soo tebinayey weerarkii Isniintii Al-Shabaab ay ku qaadeen Afgooye, markii ay u yeereen saraakiil hubeysan oo xiriir la leh Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin (oo loo yaqaan Macallin Mahdi).

Wax yar ka bacdina waa la waayay, lamana oga halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Wariye ku sugan degmada Afgooye ayaa SJS u sheegay in Mayow uu u yeeray Macalin Mahdi kadib markii TV-ga Dalsan uu baahiyay muuqaal muujinaya qasaaraha ka dhashay weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu garaacay xaafado ka tirsan degmada Afgooye oo ah magaalo muhiim u ah beeralayda gobolka Shabeelaha Hoose.

Macallin Mahdi oo horay uga soo goostay Al-shabaab, haddana loo dalacsiiyay taliyaha booliiska Muqdisho, ayaa la sheegay inuu ku sugnaa degmada Afgooye, xilligii hoobiyeyaasha la weeraray.

Markii koox wariyeyaal ah ay booqdeen saldhigga degmada Afgooye si ay wax uga weydiiyaan Mayow, ayaa saraakiisha halkaasi ku sugan waxay beeniyeen in xabsiga lagu hayo, waxayna sheegeen in aysan waxba kala socon xariggiisa.
Telefiishanka Dalsan ayaa markii dambe bartiisa Facebook-ga soo dhigay: “Ciidanka Booliska degmada Afgooye ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Ibraahin Mayow oo u shaqeeya Warbaahinta Dalsan, wariyaha oo lagu xiray degmada Afgooye ayaa la sheegay in loo gudbiyay xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.

Wariye ka tirsan Dalsan TV ayaa SJS u sheegay in aysan wali arkin Mayoow ama aysan xaqiijin halka uu ku sugan yahay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Mayow uu khatar la kulmo. 14-kii Maarso, 2025-ka ayuu ka badbaaday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, xilli uu ka warbixinayay howlgal ciidan. Weerarka ayaa lala beegsaday Saldhig Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta Gorgor ay ku leeyihiin Awdheegle. Mayow in kastoo uu ku guulaystey in uu baxsado, haddana waxa uu waayey qalabkii kaamirada ee uu ku shaqayn jiray fowdada.

Inta badan waxaa la bartilmaameedsadaa weriyeyaasha soo tebiya howlgallada ciidamada iyo weerarada Al-Shabaab ee Soomaaliya. Todobaadki hore oo kaliya 24 wariye ayaa xabsiga loo taxaabay muddo kooban, waxaana la xiray hal idaacad oo ku taal magaalada Muqdisho kadib markii ay soo tabisay qarax Al-Shabaab ay ka geysatay caasimada.
Waxaa wax laga xumaado ah in Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ay ku weysay Qaraxaasi Wariye Maxamed Abuukar Dabaashe.

SJS waxay ku baaqaysaa in si deg deg ah loo sii daayo wariye Ibraahim Maxamed Mayow, waxayna ka codsatay booliiska Muqdisho ee Macallin Mahdi inay si deg deg ah u sheegaan goobta uu ku sugan yahay. Afduubka weriyaha waa sharci darro, waana xadgudub weyn oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aadanaha.

Dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka taabacsan waa in ay ixtiraamaan xorriyadda saxaafadda iyo badqabka suxufiyiinta. Waa inay ka waantoobaan beegsiga suxufiyiinta, maadaama ay waajib ku tahay inay sheegaan xaqiiqada, oo ay ku jiraan weerarada iyo xadgudubyada ay geysanayaan labada dhinac ee is haya.

“Afduubka loo geystay wariye Ibraahim Maxamed Mayow waa xad-gudub weyn oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda iyo weerar ka dhan ah xuquuqda aas-aasiga ah ee saxafiyiinta Soomaaliyeed, waxaan cambaareyneynaa falalkaas, waxaana ku baaqaynaa in si deg deg ah loo sheego halka uu ku sugan yahay, si shuruud la’aan ahna loo sii daayo,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Muumin.

“In kasta oo Al-Shabaab ay beegsato dadka rayidka ah oo ay ku jiraan saxafiyiinta, weeraradooda argagixisanimo, waxaa aad looga xumaaday in dowladda Soomaaliya ay sidoo kale weerarto saxafiyiinta, weerarto xarumaha warbaahinta iyo afduubka suxufiyiinta sida Ibraahim Mayow, taas oo khatar weyn ku ah xorriyadda saxaafadda iyo badqabka dadka ka shaqeynaya in ay runta ka sheegaan Soomaaliya,” ayuu Muumin hadalkiisa ku daray.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News