SO | EN

SO | EN

VIDEO: Al-Shabaab oo cunaqabatayn kusoo rogtay Baydhabo iyo KGS oo go’aan ku dhawaaqday

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Xaalad adag ayaa ka taagan tahay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay culeys xoogan ay soo saartay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirtay Dowladda Soomaaliya.

Alshabab ayaa lagu soo warramayaa inay go’doon gelisay magaaladan, isla markaana ay ciidamo badan soo dhigtay hareeraha afarta Jiho ee Baydhabo ,iyagoona xiray waddooyiinka soogala magaaladan.

Ku dhowaad hal todobaad oo ay go’doonsantahay magaalada Baydhabo   ma jiro gaadiid ka baxay magaalada ama mid soogalay .Kooxda Alshabab oo ku sugan dhamaan wadooyiinka soo gala Baydhabo ayaa dib u celinaya gaadiidka doonaya magaalada in iyo kan raba in uu kabaxo intaba,waxayna sidoo kale mamnuucday in  raashin uu u gudbo gudaha magaalada, waxaana tani ka dhashay saamayn xoogan.

Xayiraadda ay Al-Shabaab saareen Baydhaba waxaa ka dhashay sicir barar baahsan, waxaana lagu soo warramayaa in la xiray dukaamada qaar ee ku yaallay gudaha magaalada Baydhabo ,kadib amar kasoo baxay kooxda Alshabab 9-kii Bishan ,waxaana  kor u kacay qiimaha laga kala siisto maciishadda iyo raashiinka qutul-daruuriga ah .

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa innoo sheegay in ay saameyn xoogan  ka dhalatay go’doominta ay kooxda  Shabaab geliyeen Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay magaalada Baydhaba ayaa lagu soo waramayaa in ay timid kadib markii ay  Koonfur Galbeed qaaday tallaabo ka dhan ah kooxda oo ku xoogan deegaannada maamulkaasi.

Tallaabada ka dhanka kooxda Alshabab oo ay qaaday Koonfurgalbeed ayaa lagu sheegay inay tahay is-hortaag uu maaulka Koonfurgalbeed ku sameeyay  Macallimiin ay u yeeratay kooxda Alshabab , sida aan kasoo xiganay xubno kamid ah laamaha Aamaanka ee maamulkaasi.

Cunaqabatayntan ay Alshabaab saaratay magaalada Baydhabo ayaa saameyn ku yeelatay ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi, gaar ahaan dadka danta yar ee ku dhaqan halkaasi.waxaana uga siidaran dadka kusoo barakacay magaalada oo tiradoodu lagu sheegay in ka badan 500,000 oo barakacayaal ah.

Dhinaca kale ,maamulka Koonfurgalbeed gaar ahan wasiirka Amniga maamulkaasi oo ka hadlay xariyadda Alshabab ayaa hoosta ka xariiqay in Koonfur Galbeed ay haatan wado guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo guud ahaan saddexda gobolk ee maamulkaasi.

Hase ahatee, Taliyaha Ciidamada Militariga qeybta 60 aad Xasan Baydhabo oo diginin u diray Kooxda Alshabab ayaa ugu yeeray kooxda oo Baydhabo go’doomisay in ay qosaskooda kala baxaan magaalada Baydhabo

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi oo Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, kadib markii la sheegay inay go’doomiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Isaaq ayaa sheegay in inkastoo waddooyinka ay furan yihiin, haddana Al-Shabaab inay amar ku xayireen gaadiidkii magaalada soo geli jiray ee keeni jiray badeecadaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda Al-Shabaab iyo dad leh dano gaar ah oo ay adeegsaneyso ay faafiyeen wararkaasi, si loogu marin habaabiyo bulshada.

Xayiraadda saaran Baydhabo waxay saameyn ku yeelatay ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi, gaar ahaan dadka danta yar oo aan awoodin inay iibsadaan maciishada sare u kacday

Si kastaba, Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi.

Waxaa haddaba is weydiin mudan sida uu noqon karo xaalka dadka danyarta ah oo markii hore ba iska taabaleysnaa, oo ay ka mid yihiin dadka barakacayaasha ee magaalada ku nool.

Su’aasha meesha taalo ayaa ah— illaa goorma ayuu xaalku sidaan sii ahaan doona?

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News