Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Villa Somalia oo kabaxday Saddex kamid ah qodobbadii ay kula heshiisay madaxda afarta maamul

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxda  afarta maamul goboled ee Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabeelle & Jubbaland ayaa lasoo warinayaa in ay gadood ka qaadeen talaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay Villa Somalia uqaaday dhanka Dastuurka gaar ahaan is bedelka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay qodobbadii ay ku heshiiyeen isaga iyo maamulada bishii May ee sanadkii 2023.

Golihii wadatashiga Qaran oo ay kamaqneyd Puntland ayaa kuheshiiyay bishii May ee sanadkii 2023 in dalka ay kadhacdo doorasho qof iyo cod ah sidoo kalana, lamideeyo doorashooyinka labada heer dowladeed, in nidaamka dalka uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen, in guddiga doorashooyinka uu noqdo 15 xubnood oo maamulkastana ay katimaado min labo xubnood  shanta kalana ay katimaado dowladda dhexe iyo gobolka Banaadir iyo in xisbiyada dalku noqdaan labo xisbi.

Madaxda maamulada dhowr jeer oo ay arrintan kala hadleen madaxda mucaaradka waa ay difaaceen waxa ayna ku adkeesteen doonista madaxweyne Xasan Sheekh, lakiin qaar badan oo kamid ah qodobbadii ay kuhishiiyeen dowladda dhexe iyo afarta maamul goboleed ayey Villa Somalia kabaxday dhowr maalmood kahor ee ansixinta afarta cutub ee ugu horeysay Dastuurka.

WAXYAALAHA LABEDELAY AYAA KALA AH:

1- maamulada iyo Xasan Sheekh waxa ay isku ogaayeen in heykalka dowladnimada uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen lakiin iyadoo aan wax talo ah looga laaban ayuu Xasan Sheekh iska tuuray qodobkaas waxa uu kubadeshay R/Wasaare uu isaga eryi karo xiligii uudoono.

2- maamuladu waxa ay heshiis kugaleen in xisbiyadu dalka uu yeelanaayo laga dhigo labo xisbi, laakiin talo la’aantooda waxaa laga dhigay saddex xisbi.

3- maamuladu waxa ay Xasan Sheekh kula heshiiyeen guddi doorasho oo 15 xubnood ah oo qabanaaya dhamaan doorashooyinka dalka oo maamulkastana uu xaq uleeyahay soo magacaabista min labo xubnood, lakiin hadda waxaa laga dhigay 18 xubnood iyadoo aan wax talo ah laga siinin waxaana dhamaan guddiyadaasi soo magacaabeysa xukuumada federaalka ah.

Kaab Somalitv waxa uu ogaaday in madaxda maamulada go’aanadii ugu dambeeyay wax talo ah aan laga siinin waxaa kaloo ay Villa Somalia hoos iskaga dhigaty dhowr jeer oo ay afartan maamul dalbadeen in laqabto shirkii golaha wadatashiga Qaran.

Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Laftagareen waxa ay hadda kusugan yihiin Boqortooyada dalka Sacuudiga halkaas oo ay cimro ujoogaan halka maamaha soo aadan lafilaayo in uu kubiiro Qoor Qoor.

Ilo kudhow dhow xubnahan waxa ay warinaayaan in ay gadood kaqabaan sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u qaabeeyay howlahan iyo in qaarkood kafikirayaan in talaabooyin ay qaadaan Ciida kadib maadaama ay badi is bedeleen wixii kuqornaa heshiiskii ey lagaleen madaxweyne Xasan Sheekh.

Halkan waxaa kasoo socdo culeys weyn mana cadda sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ugu diyaarsanyihiin hadii afartan maamul goboleed isku dayaan in ey kahor yimaadaan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News