SO | EN

SO | EN

Villa Soomaaliya ka gaabsatay iney sheegto cida uu Xasan Sheekh kula kulmaayo Kismaayo

|

KISMAAYO (KAAb TV) -Kadib markii ay Villa Soomaaliya ka gaabsatay iney sheegto cida uu Xasan Sheekh kula kulmaayo Kismaayo ama cida garoonka kusoo dhoweysay maanta, ayaa dhinaca kale waxaa bogga rasmiga ah ee Axmed Madoobe goordhow lagu soo qoray hadal ka turjumaya Axmed oo ah inuu walaalkiis Xasan Sheekh kusoo dhoweeyay Kismaayo. Jubbaland iyaguna waxay ka gaabsadeen iney Xasan Sheekh ugu yeeraan madaxweyne.

“Safarka Madaxweynaha wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jiraan adkeynta midnimada dalka, kor u qaadidda isfahamka iyo mideynta aragtiyada ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Tan ayaa muujinaysa sida ay weli u kala fogyihiin dhinacyadu, inkastoo lagu cadaadinayo inay soo afjaraan khilaafkooda siyaasadeed, haddana Villa Somalia ayaa ka xeeladeysaneysa inay Madaxweyne ugu yeerto ninkii ay shalay diiday sharciyadiisa, illaa inta Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe gaarayaan isfaham rasmi ah.

Villa Somalia ayaa sidoo kale horey uga baaqsatay inay soo saarto warqad ku saabsan mowqifkeeda muddada xil-haynta Axmed Madoobe, taas oo si weyn u daneynayay hoggaanka Jubbaland ka hor wada-hadallada Kismaayo.

Halkan waxaa laga dareemaya cabsida ay labada dhinac ka qabaan in heshiis la gaari karo, waxayna qolo walba u muuqata iney isu diyaarineyso qorshaheeda labaad hadii xal dhab ah la gaari waayo.

Inkastoo illaha qaar ay rajo ka muujinayan wadahadalka, hadana waxaa la arki karaa in wali si weyn loo kala shakisanyahay.

Hoos ka AKhriso

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News