SO | EN

SO | EN

Volodymyr Zelenskyy oo ogolaaday in uu ka hoos shaqeeyo madaxweyne Trump

|

Ukraine (KAAB TV) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa siyaasad ahaan isku dhiibay dowladda Mareykanka, isaga oo meesha ka saaray bahdlikii maalmo kahor loogu geestay xarunta looga taliyo Mareykanka ee Aqalka Cad.

Sidoo kale, Zelenskyy ayaa shaaciyay in uu diyaar u yahay inuu ka hoos shaqeeyo hoggaaminta Trump, waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay fulinta rabitaanka Trump, isagoo xusay in dalkiisa uu diyaar u yahay wada-xaajoodyada lagu joojinayo dagaalka socda muddada ka badan saddexda sano.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in uu cudurdaar ka bixinayo waxii ka dhacay xarunta Aqalka Cad, waxa uuna intaa ku daray in diyaar u yahay in dib loo saxo khaladaadkii ka dhacay xarunta Aqalka, isaga oo intaas kusii daray in uu Mareykanka u saxiixayo heshiis ay ku qaadan karaan macdanta dalka Ukraine.

Madaxweynaha Zelenskyy, ayaa sheegay in aysan sii jiri karin la’aanta Mareykanka , waxa uuna aqbalay shuruud kasta oo uga timaada Madaxweyne Trump in uu fulin doono, taas oo muujineysa in uu is dhiibay Madaxweynaha Ukraine.

Sikastaba, hadalladan ayaa kusoo aadaya maalmo kaddib bahdilkii Madaxweyne Trump iyo kuxigeenkiisa xarunta Aqalka Cad ugu geesteen Madaxweynaha Ukraine, waxa ay sidoo kale kusoo aadeysa xilli Mareykanka hakiyay kaalmadii milatari uu siin jiray Ukraine.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News