GAZA (KAAB TV)- Haniyeh waxa uu ku dhashay xerada qaxoontiga ee Shaati ee Gaza, waxaana dhalay waalidiin kasoo qaxay magaalada Asqalan kadib markii la sameeyay dawlada Israa’iil sanadkii 1948-kii.
Sannadkii 1983-kii, Haniyeh waxa uu ku biiray Ururka Ardayda Islaamka, oo horudhac u ahaa Xamaas.
Waxa uu ka qalin jabiyay 1987, waana sanad astaan u ahayd kacdoonkii ugu horeeyay ee Falastiiniyiintu ay kaga soo horjeedaan gumaysiga Israa’iil, kaas oo loo yaqaanay Intifada Kowaad, iyo aasaaskii Xamaas oo ah koox rasmi ah.
Sannadkii 1988-kii, waxa uu xirnaa lix bilood, waxaanu ku qaatay saddex sannadood oo kale sannadkii 1989-kii, isaga oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Xamaas.
Ka dib markii la sii daayey, Israa’iil waxa ay Haniyeh u masaafurisay koonfurta Lubnaan isaga iyo madax kale oo sare oo Xamaas ah, halkaas oo uu sannad ku qaatay.
2001, markii Intifada Labaad uu qarxay, Haniyeh wuxuu xoojiyay booskiisa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Xamaas.
Haniyeh ayaa sanadkii 2003dii ka badbaaday isku day dil.
Waxa uu caan noqday sanadkii 2006-dii markii uu Xamaas ku hogaamiyay doorasho sharci ah oo ay kaga guulaysteen dhaq-dhaqaaqa Fatax oo xukunka hayay in ka badan toban sano.
Haniyah waxa uu muddo kooban Ra’isal wasaare ka soo noqday maamulka Falastiin, balse markii ay Xamaas la wareegtay gacan ku haynta marinka Gaza, waxa xilka ka qaaday madaxwaynihii xisbiga PA Maxamuud Cabbaas, balse waxa uu ahaa hoggaamiyaha dhabta ah ee Marinka Gaza.
Sannadkii 2017, Haniyeh ayaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, wakhtigan oo kale waxa uu u guuray dalka Qatar.
Waa kuma Ismail Haniyeh?
|