MUQDISHO (KAAB TV) – Wasaaradda Maaliyadda dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah shaqsi caan ka ah xafiiska maaliyadda ee dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS).
Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa loo aqoonsaday inuu yahay Argagixiso caalami ah oo Gaar ah (Specially Designated Global Arrorist) (SDGT) sababtuna tahay doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay fududaynta gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibka ah, saadka iyo rasaasta Daacishta ka hawlgasha gudaha Soomaaliya.
ISIS-Somalia waxay noqotay isku xire muhiim u ah kala wareejinta lacagaha iyo hagitaanka shabakadaha kala duwan ee Daacish ee ku yaala qaaradda Afrika.
Kooxda xagjirka ah ayaa dakhli tiro badan ka soo saarta lacagaha baadda, iyagoo ugaarsada ganacsatada maxalliga ah iyaga oo dalbanaya lacag iyo shaqaaleysiin qaab qasab ah.
“Cunaqabateynta maanta la soo rogay waxay muujineysaa sida ay uga go’an tahay Mareykanka inay ka faa’iideystaan mas’uuliyiintayada si ay u taageeraan saaxiibadayada, oo ay ku jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya, dadaalkooda ku aaddan ka hortagga maalgelinta argagixisada iyo xoojinta xasilloonida iyo amniga qaranka iyo gobolka,” ayuu ku nuux-nuuxsaday Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda Argagaxisada iyo sirdoonka maaliyadda, Brian E. Nelson, ka dib kulamadii uu Muqdisho kula yeeshay madaxda dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya.
Tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaaday OFAC waxay ku dhisan tahay magacyo hore oo dhacay Noofambar 2022, oo lagu beegsanayo shabakad caalami ah oo ka ganacsiga hubka ISIS-Somalia iyo xubnaha sare ee kooxda argagixisada ah.
Intaa waxaa dheer, waxay daba socotaa howlgalkii ciidamada Mareykanka ee bishii Janaayo ee sanadkan lagu dilay hoggaamiyihii Daacish ee fadhigoodu ahaa Soomaaliya Suhayl Saalim Abd El-Rahman, oo sidoo kale loo yaqaanay Bilaal al-Sudani.
ISIS-Somalia waxay lacago tiro badan u xawishaa dalal kala duwan, iyadoo adeegsanaysa habab ay ka mid yihiin lacagta telefoonnada, si loo maalgeliyo dhaqdhaqaaqyadeeda xasillooni-darrada ah ee Afrika oo dhan.
Dakhliga asaasiga ah ee kooxda argagixisada ayaa ku lug leh lacagaha baadda ah ee ay ka qaataan hay’adaha maaliyadda, kuwa bixiya adeegyada lacagaha moobilada, iyo ganacsiyada maxaliga ah, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray dekedda Boosaaso ee gobolka Bari ee Soomaaliya.
Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa ah madaxa xafiiska maaliyadda ee Daacish-Soomaaliya tan iyo ugu yaraan dabayaaqadii sannadkii hore ee 2019.
Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo xubin muhiim ah ka ah kooxda, ayaa hoos taga madaxda kale ee Daacish ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan Amiirka Xafiiska Daacish Al-Karrar Sheekh Cabdiqaadir Muumin iyo Amiirka Soomaaliya Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo labadoodaba dowladda Mareykanka ay ku soo rogtay cunaqabateyn 2016 iyo 2022, siday u kala horreeyaan.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Daacish-Soomaaliya iyo in la yareeyo awoodda ay u leedahay in ay ku faafiso rabshadaha iyo argagixsada guud ahaan qaaradda.