Waa kuma Ryan Routh: Ninka looga shakisan yahay iskudayga dilka Trump?

|

WASHINGTON (KAAB TV) – Eedeysanaha isku dayga dil ee musharaxa madaxtinimmada Mareykanka, Donald Trump waa taageere adag oo Ukraine ah, kaasoo hore loogu diiday inuu ku biiro ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Ryan Wesley Routh, oo 58 jir ah, ayaa Inniintii ka soo muuqday maxkamad, isagoo lagu eedeynayo inuu heystay hub culus xilli uu ku sugnaa meel u dhow goobta uu joogay Donald. Trump.

Routh wuxuu ka soo jeedaa gobolka North Carolina, halkaasoo uu inta badan noloshiisa kusoo qaatay, hase yeeshee wuxuu ku noolaa Hawaii dhowaanahan dambe.

Wuxuu u codeeyey Trump doorashadii dhacday sannadkii 2016, laakiin mar dambe ayuu ka soo horjeestay, isagoo hadallo taageero u diray siyaasiyiin kale oo uu kaalmo u fidiyey.

Waa kuma Ryan Wesley Routh? 

Routh waxaa looga shakisan yahay inuu Axaddii tagay garoonka kubadda golfka ee Trump International Golf Course ee Florida, isagoo wata qori SKS ah. FBI-da ayaa hubkaas iyo agab kale ka soo qaadatay goob duur ah oo uu ku dhuumanayay.

Saraakiisha amniga ayaa sheegaya in Routh uu goobta ka cararay markii sarkaal ka tirsan ciidanka Ilaalada Gaarka ee Secret Service uu xabbad ku riday dhankiisa kadib markii uu arkay qori ka soo muuqday duurka.

Laguma eedeynayo inuu Routh isagu xabbad riday intii uu socday dhacdada, sidoo kalena ma uusan joogin meel uu ka arki karay Trump si bayaan ah.

Taliyaha booliska ee degmada Palm Beach County, Ric Bradshaw ayaa sheegay in laba sarkaal ay arkeen gaariga Routh oo ah Nissan madow, waxayna boolisku soo qabteenkadib markii ay ceyrsanaayeen muddo 45 daqiiqo ah.

Routh waxaa lagu qabtay jidka weyn ee Interstate 95, waana la xiray isla markaas.

Si hordhac ah waxaa loogu soo oogay dacwado ku saabsan heysasho hubka dilaa ah. Warqadda dacwadda ayaa sheegtay in telefoonka Routh uu ku sugnaa goobtaasi muddo 12 saacadood ah. Waxaa loo maleynayaa inuu halkaa ku sugaayey Trump oo maalinkaas Axadda ku ciyaari lahaa goobta.

Ryan Routh oo 58 jir ah ayaa lagu eedeynayaa isku dayga dil ee Trump.
Ryan Routh oo 58 jir ah ayaa lagu eedeynayaa isku dayga dil ee Trump.

Gaariga, oo ahaa Nissan SUV, ayaa markii dambe la ogaaday in taarikadiisa ay ku qorneyd Ford 2012 oo la soo sheegay in la xaday.

Muxuu baraha bulshada ku qori jiray Routh?

Routh wuxuu si joogto ah ugu qori jiray baraha bulshada hadallo uu ku dhiirrigelinayay dagaalyahanada ajnabiga ah inay Ukraine u tagaan si ay ula dagaallamaan Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, abaabulkiisu inta badan wuxuu ka dhacay intuu ku sugnaa Mareykanka, ee ma ahayn Ukraine, halkaasoo sanadkii 2022 uu u safray, balse laga diiday inuu ku biiro Ciidanka Caalamiga ah ee Ukraine sababtoo ah ma uusan lahayn waayo-aragnimo dagaal.

FBI-da ayaa weli baaraysa xiriirada uu la leeyahay Ukraine, waxayna u dirtay shirkado kala duwan codsiyo ku saabsan baaritaannada telefoonkiisa iyo xisaabaadkiisa baraha bulshada.

Wuxuu sidoo kale baraha bulshada uu ku faafiyay fariimo taageero u ah Falastiin, Taiwan iyo kuwa ka soo horjeeda Shiinaha oo ku saabsan “dagaalka bayolojiga” ee Shiinaha iyo tixraacyo ku saabsan fayraska Covid-19 oo uu ugu yeeray “weerar” uu Shiinuhu ka dambeeyay.

Farriin uu soo dhigay X sanadkii 2020, Routh wuxuu soo jeediyay inuu u codeeyay Trump 2016 laakiin markii dambe ka niyad jabay, isagoo qoray: “Waxaan ku farxi doonaa marka aad dunida ka tagto.”

Routh wuxuu sidoo kale bartiisa internetka ku soo dhigay isagoo ka codsanaya Madaxweyne Joe Biden iyo Madaxweyne-ku-xigeen Harris inay la kulmaan dhibbanayaasha isku dayga dilka Trump ee ka dhacay Butler, Pennsylvania, bishii July, halkaas oo wiil yar uu rasaas ku toogtay Trump, dhaawacna gaarsiisay.

Maxaa ka dhexeeyay Routh iyo Ukraine?

Routh wuxuu isku tilmaamay “isku-duwaha tabaruca” hase yeeshee riyadiisii ahayd inuu ka dagaal galo dalka Ukraine ma aysan rumoobin inkasta oo uu isku dayay.

Guutada Legion ah waxay u sheegeen BBC-da in Routh “waligiis uusan qeyb ka ahayn, xiriir la lahayn, ama ku lug lahayn” ciidankaas … si kasta oo loo fiiriyo.

Tabaruce ka tirsan ciidankaas wuxuu ku tilmaamay Routh inuu ahaa shaqsi qalalaaso abuura oo isku dayay inuu “si dhuumaaleysi ku soo galo ciidanka” iyo saraakiisha.

Wuxuu sidoo kale isku dayayay inuu iska dhigto qof ka tirsan hay’adaha rasmiga ah ee tabaruceyaasha.

Routh wuxuu u sheegay The New York Times 2023 inuu doonayay inuu dagaal yahanno u keeno Ukraine isagoo sheegay inuu doonayo in askarta Afghanistaan ee​ ka soo cararay Taliban loo qaato inay ka dagaallamaan Ukraine.

Wuxuu sidoo kale buug uu qoray Febraayo 2023 uu ku jira qayb uu ku dhiirrigelinayo saraakiisha Iiraan inay “xor u yihiin dilka Trump.”

Booliska ayaa soo heley qori darandoori u dhaca iyo labo boorso oo uu watay Ryan Routh meel u dhow goobtii uu joogay Trump.
Booliska ayaa soo heley qori darandoori u dhaca iyo labo boorso oo uu watay Ryan Routh meel u dhow goobtii uu joogay Trump.

Routh ma leeyahay dambi hore?

Diiwaanada waxay muujinayaan in Routh ay dhowr jeer isku dheceen hay’adaha sharciga ee Mareykanka taas soo bilaabatay 1990-meeyadii, waxaana ku jira dambiyo kala duwan sida xatooyo.

Waxaa lagu soo oogay oo lagu helay dambi kale oo heerkiisu sarreeyo oo dhacay intii u dhaxeysay 2002 iyo 2010 ee gobolka North Carolina, sida ay muujinayaan diiwaanka booliska.

Sanadkii 2002, waxaa lagu soo oogay dambi ah inuu haystay qori darandoori u dhaca oo lagu sifeeyay “hub wax-gumaada.”

Dhacdadii kale, diiwaanada waxay muujinayaan inuu wajahayo dambi kale oo lagu eedeeyay xatooyo, carar ka dib shil, iyo hub qarsoodi ah oo uu haystay.

Dambi kale oo uu galay ayaa waxaa ka mid ah inuu gaarigiisa ku waday isagoo ruqsaddiisa la laalay iyo inuu haystay hanti la xaday.

Sannadkii 2019, FBI-du waxay heshay xog sheegaysa inuu Routh yahay dembiile haysta hub.

Deriskiisii hore haweeney lagu magacaabo Kim Mungo waxay ku tilmaamtay Routh inuu ahaa “qof ixtiraam badan” waxayna sheegtay in mar ciidanka booliska federaalku ay weerareen gurigiisa.

Waxay sheegtay inuu gurigiisa ku haystay “hanti la xaday oo badan” iyo waxyaabo kale, waxayna sheegtay inay aragtay Routh iyo qoyskiisa oo rasaas cirka u ridaya si aan qarsoodi ahayn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News