Waa kuma xildhibaan Darin LaHood oo Xasan Sheekh Muqdisho ku soo dhaweeyay?

|

Darin LaHood waa siyaasi Mareykan ah oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga (Republican), kana tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka (U.S. House of Representatives). Wuxuu matalaa degmada 16-aad ee gobolka Illinois, xilkaas oo uu hayay tan iyo 2015 (ka dib isbeddelka xuduudaha degmooyinka doorashada wuxuu hadda matalaa degmada 16-aad).

Muxuu Darin u yimid Muqdishu.?

Darin, Safarkiisa waxa uu ahaa codsi uu Xasan Sheekh si gaar ah ugu diray xildhibaanka in uu yimaado muqdisho, loona adeegsado Lobby ahaan, farriin gaar ah loogu dhiibo Massad (Mosad) Boulos oo ah La-taliyaha Sare ee Madaxweyne Trumo ee Arrimaha Carabta, Bariga Dhexe iyo Afrika, saaxiibana ay yihiin.

Boulos, ayaa horay u casuumaad uu uga helay Xasan Sheekh diiday in uu Soomaaliya yimaado, maadaama uu galalka Sudan iyo Bariga dhexe uu mashuul ku yahay, amni ahaanna uu uga baqay imaanshiyaha Muqdishu.

LaHood, waxaa maanta gacanta loo geliyay lacag dhan $6M, sidii uu maamulka Trump ugu qanciyo in Masaalixda Istaraatiijiga ah ee USA uu ka shaqeyn karo Xasan Sheekh , ballan-qaadna buuxana la siiyo shirkadaha Maraykanka oo loo ogolaado shuruud la’aan Khayraadka iyo Macdanta ku jirta Soomaaliya.

Doodaha waxay diiradda saareen xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan nabadda iyo amniga, ka hortagga argagixisada, ganacsiga, iyo maalgashiga. Labada dhinac waxay sidoo kale sahamiyeen fursadaha lagu qoto dheerin karo iskaashiga iyo taageerida xasiloonida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya muddada dheer.

Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo dadka Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiyaan. Wuxuu ku adkeeyey ballanqaadka maamulkiisa ee iskaashiga caalamiga ah iyo abuurista deegaan ammaan ah oo xasilloon kuwaas oo soo jiidan kara maalgashi isla markaana horumarin kara horumarka qaranka.

DHEERAAD:  Somaliland oo xasuuq ku tilmaantay weerarkii Dacawalay

Xildhibaan LaHood ayaa soo dhaweeyey horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dib u dhiska hay’adaha dadweynaha, xasillinta dalka, iyo la dagaallanka argagixisada. Waxa uu mar kale ku adkeeyey inuu ka go’an yahay xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News