SO | EN

SO | EN

Waa kuma Xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah Xamze?

|

Nairobi (Kaa TV) – Xildhibaan Cali Xaaji oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka warbixiyay mooshinka ka dhanka ah Xamze Cabdi Bare iyo ee dar-darka kusocdo.

Dadka wax dhaliilaya waxaan u arkaa in ay tahay deg-deg sababtoo ah R/wasaaruhu waa nin shaqo badan ayuu yiri xildhibaanku.

Sida aan xaqiijinay abaabulka mooshinka ka dhanka ah Xamze ayaa hada xawli ku socdo ayadoo xildhibaanada hor kacaya mooshinkan ay isku dayayaan in ey u helaan garab ama taageero.

Hasayeeshee Xukuumada R/wasaare Xamze Cabdi Bare ayaa wajaheyso dhaliilo laxiriira maamul xumadeeda iyo hoosha loo igmaday taas oo uu dhawaan uu weerar afka ah uu kuqaaday xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalkan ayaa imaanayo ayadoo mooshinka ka dhanka R/wasaaraha uu ka socdo caasimada dalka Kenya ee Nairobi kuwaas oo ay dhaqdhaaqyo kawadaan qaar kamid ah xildhabaanada golaha shacabka taas oo ay kudoonayaan in ay ku ridaan Xukuumadan oo aan wali sanad jirsan ee dan Qaran.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News