SO | EN

Waa kumaa maalqabeenka Muslimka ah ee iibsanaya kooxda Manchester United?

|

Ingiriiska (Kaab TV) – Ganacsadaha reer Qadar Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani ayaa soo bandhigay dalab wanaagsan oo uu ku dhammeystirayo heshiiska iibsiga kooxda kubadda cagta ee Manchester United ee ka dhisan dalka Ingiriiska.

Ninkan maalgaliya arrimaha bankiyada ee dalka Qadar ayaa heshiiskan kula tartamaya Sir Jim Ratcliffe ee Ineos Group, waxayna noqdeen dhinacyada ugu waaweyn ee doonaya inay iibsadaan kooxda Manchester United.

Dhinacyada ku tartamaya iibsiga kooxdani ayaa waxay dalabkoodii saddexaad soo gudbiyeen dhammaadkii bishii April ee la soo dhaafay.

Milkiilayaasha Manchester United ayaa ka fiirsanaya inay ka iibiyaan Sheiekh Jassim bin Xamad Al Thani iyo in kale.

Sheekh Jassim ayaa soo jeediyay dalab cusub Talaadadii iyadoo ay socdaan wadahadalo u dhaxeeya milkiilayssha Kooxda iyo howl-wadeenada.

Dalabka ninkan u dhashay dalka Qatar ayaa yimid si ay u helaan boqolkiiba 100% saamiga kooxda, waxaana ka mid ah in la doonayo in marka hore la bixiyo .

Tirokoobyadii bishii March ayaa muujinayay in United lagu leeyahay ku dhawaad ​​£969.6milyan wadarta deynta, deymaha bangiyada iyo khidmadaha kala iibsiga ciyaartooyda .

Qoyska Glazer, ee leh kooxda, ayaa ku dhawaaqay bishii November ee la soo dhaafay inay ka fikirayaan iibinta Manchester United sababtoo ah iyaga oo sheegay “inay sahaminayaan isbadal istiraatiijiyadeed oo kale.”

Inkastoo aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Glazers tan iyo waqtiga kama dambaysta ah ee dalabaadka 28-ka April, waxaa jirta kalsooni sii kordheysa oo lagu qabo in dadaalka ay ugu jiraan iibinta kooxda uu guuleysan karo.

Waxaa la og yahay in mid ka mid ah soo jeedinta Sir Ratcliffe ay aheyd in la dhimo saamiga uu doonayo inuu kooxda ka iibsado 69% dhammaan saamiga Glazer, in ka badan 50%.

Avram Glazer ayaa dhawaan ka soo muuqday ciyaartii finalka FA Cup-ka ee haweenka United, taasoo ay Axadii ay Chelsea ku garaacday garoonka Wembley Stadium, waxaana kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee uu United ku taageero uu ahaa finalkii Carabao Cup bishii February, markaas oo Manchester ay ka badisay Newcastle.

Glazer ayaa markii dambe booqday hotel ku yaalla London oo uu leeyahay aabbiha Sheekh Jassim, taasoo dhalisay warar dheeraad ah oo ku saabsan iibka, inkastoo la helayo xog sheegaysa inaysan jirin wax wadahadal ah oo lala yeeshay kooxda.

Ma jirin wax calaamad ah oo muujinaya in Glazers ay aad ugu dhawaayihiin inay go’aan ka gaaraan jihada mustaqbalka ee United.

Qoyskan ayaa kooxda ku iibsaday 790 milyan oo ginni sannadkii 2005tii, waxaana hadda kooxda lagu qiimeeyaa inta u dhaxaysa 5 bilyan ilaa 6 bilyan oo gini.

Waxaa la dareemayay in ku dhawaaqista ay iman karto usbuucan marka la eego suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo furmay wax ka yar hal bil, taasoo siinaysa tababare Erik ten miisaaniyad fiican xilliga xagaaga.

Hasayeeshee ma jirto dammaanad qaad ah in tani ay dhici doonto haddii suuqa kala iibsiga ciyaartooyda uu xirmo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News