Muqdisho (Kaab TV)– Waxaa hawada laga saaray bartii Facebook ee guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Yare Cali, kadib markii uu baahiyey qormooyin ay dhibsadeen dad badan, kuwaas iyo hey’adaha ammaanka.
Cali Yare wuxuu dowladda weydiiyey su’aal aheyd, “Maxaad Al-Shabaab ugala heshiin weyseen weerarrada ay ku qaadaan xeryaha ciidamada ee furimaha ku yaalla, si lamid ah heshiiska aad kula gasheen joojinta weerarradii Muqdisho.”
Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayayso inay meesha ka saarto weerarradii iyo dilalkii qorsheysnaa ee Al-Shabaab ay ka fulin jireen caasimadda Muqdisho.
Cali Yare oo ka falceliyey dagaalkii Mesagawaay oo Al-Shabaab ay sheegeen inay ku furteen hub badan ayaa sheegay inuu xog ku helay in hubka si ku tala gal ah loogu gacan geliyey kooxda.
Sidoo kale wuxuu bartiisa Facebook inta aan laga xirin ku soo qoray in amniga Muqdisho laga iibsaday Al-Shabaab oo bil kasta lacag la siiyo, si qaraxyada iyo weerarrada ay uga joojiyaan caasimadda.
Qormooyinka uu Cali Yare ka qoray arrimaha ammaanka dalka ayaa u keentay inuu waayo oo laga xiro bartiisii Facebook, mana jirto cid loo sababeen karo oo toos u beegsatay ama sheegatay inay xirtay Facebook-gii Cali Yare, inkasta oo aad loogu tuhmayo dowladda.
Sidoo kale Cali Yare oo is waafajiyay madaxweynihii hore Farmaajo ayaa saacadihii lasoo dhaafay wajahay falcelin adag oo kaga timid bulshada Soomaaliyeed oo aad ugu faalooda arrimaha ammaanka dalka, maadaama lagu hanweyn yahay in dowladdu ay ka adkaato Al-Shabaab.