MUQDISHO (Kaab TV) – Hay’adda Waxbarashada, Cilimga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO) ayaa u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer dhaqan oo ku saleysan sharciyada bulshada Soomaalida Ciise ee ku nool Jabuuti, Itoobiya, iyo Soomaaliya, inay tahay qayb ka mid ah Dhaxalka Dhaqan ee Aan La Taaban Karin iyo inuu yahay mid caalami ah.
UNESCO ayaa go’aankan maalintii Khamiista ee toddobaadkii hore.
Xeerkan loo yaqaano Xeer Ciise ayaa la dejiyey muddo hadda laga joogo in ka badan 500 sano ka hor, waxaana sida buugaagta taariikhda ku qoran lagu dajiyay buurta Sitti ee Itoobiya.
Xeerku waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay nidaam sharciyeed oo dhaqameed oo muhiim ah, oo lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya beelaha xilliyo hore oo aysan jirin sharciyo kale iyo lagu maareeyo arrimaha bulshada wada deggan.
Arrimaha dilka iyo magta, xoolaha la kala dhaco, kufsiga, guurka iyo arrimo la mid ah ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu xallinaayo xeerka.
Sida taariikhdu ay sheegeyso waxaa xeerka Xeer Ciise qorriddiisa ka qeybgalay Guddi dhaqameedka ka kooban wakiillo ka socda 12 ka mid ah beelaha Ciise oo gaaraya 44 nin.