Gaze (KAAB TV)- Ciidamada Israa’iil iyo Hay’adda Ammaanka Israa’iil (ISA) ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadoodu ay ilaa hadda gacanta ku dhigeen in ka badan 600 oo qof howlgallada ka socda Isbitaalka Al-Shifa ee magaalada Gaza.
In ka badan 140 qof ayaa lagu dilay howlgalka, sida ay hay’adaha falastiiniyiinta ku sheegeen war ay si wadajir ah u soo saareen.
Ciidamada Israel ayaa soo helay sida ay sheegeen hub iyo dukumentiyo sirdoon ayna xireen dad ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas iyo ururka Jihaad Islaami ee Falastiin, sida ay sheegtay wakaaladaha Israel.