Gaza (KAAB) Isagoo barooranaya ayaa madaxii Aljazeera ee GAZA Wael al-Dahdouh waxa uu isaga tagay Falastiin ka dib markii xubno ka mid ah Qoyskiisa lagu dilay weerar halkaas ka dhacay.
Wakaalada wararka AFP mar uu u waramay ayuu sheegay inuu doonayo inuu isaga tago Marinka GAZA oo noqotay meel aan loo dhamayn karin indhaha isla markaana lagu daawaday dhibaatada halkaas ka jirta.
Muuqaallada Dahdouh oo u baroordiiqaya qoyskiisa oo lug uga soo cararaya magaalada Gaza ayaa si caalami ah loo sii daayay toddobaadyadii la soo dhaafay
53-jirkan waxa uu sheegay in uu ka soo gudbay xadka Rafah uu la wadaago Masar waxaa hore halkaas u gaaray xubno ka haray qoyskiisa oo lagu dilay marinka Gaza.
Dahdouh waxa uu galay Masar Talaadadii isagoo la socda nin ay qaraabo yihiin, ka dib markii afar carruur ah oo uu dhalay ay ka gudbeen xadkaasi todobaadkii hore, sdia uu u sheegay AFP.
Ugu yaraan 82 saxafi ayaa lagu dilay dagaalka Israil iyo Xamaas, 75 ka mid ah waxaa lagu dilay Gaza, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay guddiga difaaca suxufiyiinta.