SO | EN

SO | EN

wabiga shabeelle oo ku fatahay xaafado hore leh mgaalada baladweyne{sawirro}

|

Baledweyne (KAAB TV)-  Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii u dambeeyey ku fatahay xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Fatahaada ayaa ka timid, kadib markii wabiga uu ka jabsaday kar kaarada isla markaana wabiga uu keenay biyo xad dhaaf ah, taasoo sababtay uu in bilowday barakac hor leh oo qabsaday reer Beledweyne.

Xaafadaha u sida weyn ugu fatahay Wabiga, waxaa kamid ah Kooshin, Kutiinbo  Raadeerka iyo howlwadaag , waxaana dadkii deganaa ay badankood uga baxeen degaanka Ceel Jaale oo horay ugu dhibaateysnaayeen dad ka barakacay fatahaadii ka dhalatay robka.

Magaalada Beledweyne waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dadaalo xooggan oo lagu moosayo jiinka Wabiga, waxaana la dhigayay carro tuur badan, balse xowliga biyaha oo aad u xoogan ayaa jabsaday, taasina waxay keentay in xaafado hor leh ay biyo galaan.

fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa sanadihii u dambeeyey soo noqnoqonaysay, iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News