MUQDISHO (Kaab TV) – Wada hadalkii u dhexeeyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay caqabad hor leh iyadoo shirarkii loo ballansanaa maanta oo Sabti ah iyo shalay ay baaqdeen.
Kulamada oo billawday toddobaadkii hore ayaa illaa hadda waxaa qabsoomay labo kulan kaliya. Kulanka koowaad ayaa ka dhacay Hotelka Decale ee Turkida leeyihiin, halka kulanka xigay ay Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay kula kulmeen Xasan Sheekh Maxamuud gudaha Villa Soomaaliya.
Intii uu socday kulankaasi, waxaa qori nooca BKM looga xaday ilaalada madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Khamiistii waxay labada dhinac dood ka yeesheen labo qodob oo waaweyn, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo ku dhow dhanka mucaaradka.
Labada qodob ee laga dooday la iskuna mari waayay ayaa ahaa arrinta dastuurka la bedelay oo ay Golaha Mustaqbalka diidan yihiin, iyo in doorashada 2026 laga heshiiyo nooca ay noqoneyso.
Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu aad uga cagajiday aqbalaadda qodobadaan.
Ilo wareedyada ayaa Kaab TV u sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in la sameeyo guddiyo labada dhinac ah oo sii wada wada hadallada.
Inkastoo ay jireen guddiyo hore ugu qaabilsanaa labada dhinac, haddana waxay dhinacyada isku raaceen inay guddiyo cusub sameysanayaan.
Shalay oo Jimce ahayd waxay dhinaca isbahaysiga mucaaradka soo saareen liiska xubnaha uga qeybgali doona guddiga farsamada ee lagu ballamay, hase ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan illaa hadda soo magacaabin xubnihii dhankiisa laga filaayay.
Tani waxay hadda abuurtay dib u dhac kale oo ku yimid kulamadii la filaayay inay yeeshaan labada dhinac si ay u sii amnaqaadaan wada hadallada looga arrinsan lahaa doorashooyinka iyo muranka ka taagan Dastuurka.
Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid cakiran, waxaana la muujinayaa rajo yaraan ku aaddan xalka laga gaari karo arrinta kala guurka siyaasadda Soomaaliya.
Dad badan ayaana qaba inay tahay in xubnaha Beesha Caalamka inay soo faragaliyaan si loo dhex dhexaadiyo dhinacyada isku haaya siyaasadda Soomaaliya.

