Wada hadallada dowladda iyo mucaaradka oo mar kale maanta ka sii soconaya Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Maanta waxaa mar kale la filayaa in ay magaalada Muqdisho dib uga billaawdaan wada hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Mucaaradka, kuwaasi oo diiradda lagu saarayo xallinta khilaaf ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Wada hadalladan oo soo billaawday maalintii talaadada ayaa waxaa garwadeyn ka ah Sirdoonka Turkiga ee MIT iyo Diblumaasiyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi.

Ilo dhinaca Amniga ah ka tirsan Dowladda Turkiga ayaa xaqiijinaya in labada dhinac ay gaareen isfaham la xiriira sii socoshada wada hadallada, si xal waara loo gaaro.

Turkiga ayaa u gudbiyay dhinacyada Soomaalida in nabad iyo xasilloonida Soomaaliya lagu gaari karo wada hadal iyo isku tanaasul.

Maalintii arbacada, Dowladda Federaalka iyo garab kamid ah Mucaaradka uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaao ayaa si wadajir ah u sheegay in ay sii socon doonaan wada hadallada si xal rasmi ah loo gaaro.

Labada dhinac ee Dowladda iyo Mucaaradka ayaa kala wata nuucyo doorasho oo ay u arkaan in xilligaan ay munaasab ku yihiin Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in dalka ay ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah, isla markaasna ay shacabka soo doortaan wakiilada iyo madaxda xukumi doona.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in natiijo rasmi ah laga soo saaro wada hadallada ka socda magaalada Muqdisho ee la qorsheynayo in lagu soo afjaro khilaafka arrimaha doorashooyinka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News