ANKARA (KAAB TV) -Diblomaasiyiinta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku guul darreystay inay heshiis gaaraan, kaddib wadahadallo dadban oo labo maalmood uga socday dalka Turkiga, gaar ahaan dhinaca xeebta ee Itoobiya, sida ay VOA u sheegeen laba sarkaal oo magacooda qariyay.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray khilaaf u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo ku saabsan is-afgarad, ama MOU, kaasoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu 1-dii January la saxiixday Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha maamulka isku magacaabay, ee Somaliland, 1-dii Janaayo.
Sida ku cad heshiiska MOU, masuuliyiinta Somaliland waxay sheegeen inay Itoobiya ka kirayn doonaan 20 kiiloomitir (12.4 mayl) oo xeeb ah muddo 50 sannadood ah si ay Addis Ababa u aqoonsato dal madax-bannaan. Somaliland ayaan wax aqoonsi ah ka helin 1991-kii ku dhawaaqistii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u diiday heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, waxayna Itoobiya ku eedeysay inay ku xad-gudbi doonto madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wareegii koowaad ee wada-hadallada, oo uu dhexdhexaadinayey Turkiga, ayaa ka dhacay Ankara 1-dii Luulyo, laakiin waxay ku dhammaadeen wax natiijo ah.
Wakiilo ka kala socda labada dal ee Afrikaanka ah ayaa ku heshiin waayey wareeggii labaad ee wadahadalka toddobaadkan, sida ay sheegeen laba sarkaal oo ku dhowaa shirarka. Waxa ay la hadleen idaacada VOA-da laanteeda Geeska Afrika,iyagoo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo,sababo la xidhiidha dareenka ku xeeran wada hadalada.
Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay “horumar” laakiin wuxuu sheegay in ugu dambeyntii labada dhinac ay soo afjari waayeen khilaafkooda.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, oo labada dhinac soo xirayay ayaa ka hadlay “horumar la taaban karo” oo la sameeyay intii uu socday wadahadalka.
“Waxaa jira isku-xirnaansho muhiim ah oo ku saabsan mabaadi’da waaweyn iyo habab gaar ah; tani waxay ka dhigan tahay horumar la taaban karo,” ayuu yidhi.
Hadafkayagu ka turkigu yahay walina waa in aan ka heshiiyo tabashooyinka jira oo aan ku soo koobno galdaloolooyinka jira oo aan ka faa’iidaysan oo kaliya Soomaaliya iyo Itoobiya ee sidoo kale gobolka oo dhan, waxaan aaminsanahay in xal wada shaqayn iyo wax dhisid ah uu nagu jiro.”
Fidan ayaa sheegtay in labada dhinac ay dib ugu kulmi doonaan Ankara 17-ka Sebtember wareeggii saddexaad “iyadoo la rajeynayo in si guul leh loo soo gabagabeeyo geeddi-socodka.”
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Itoobiya Taye Atske Selassie oo kala hoggaaminayay wafdigooda, ayaa uga mahad-celiyay dadaalka uu Turkigu ugu jiro in la isku keeno labada waddan.
Qodobbada muhiimka ah ee ku dheggan ayaa weli ah kuwo aan la xallinin inkasta oo dhawaaqa rajo-gelinta ah, ayay saraakiishu sheegeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Soomaaliya ay dooneyso in Itoobiya ay si rasmi ah u joojiso heshiiskii MOU, halka Itoobiya ay dooneysay in Soomaaliya ay ogolaato soo gelista badda.
Sida laga soo xigtay sarkaal ku dhow wada-hadallada, “Luqadda ka noqoshada MOU iyo luqadda habka loo galo badda,” ayaa ahayd meesha ugu weyn ee la isku mari la’yahay.
Ka hor inta aan la gaarin wareegii ugu dambeeyay ee wada hadalada ayaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxa uu la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Axmed si uu ugu booriyo dib u heshiisiin.