Riyad (Kaab TV)– Dowladda Sucuudiga ayaa marti gelineysa wada hadalkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah Sabtida maanta ah oo u dhexeeya ciidammada ku dagaallamaya Suudaan ka dib markii dhowr xabad joojin ey burburtay War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa lagu soo dhaweeyay billowga wada hadallada hordhaca ah ee magaalada Jiddah ku dhexmari doonna ciidamada Suudaan iyo xoogagga taageerada degdegga ah ee RSF.
Ciidanka ayaa waxay xaqiijiyeen inay ergo u dirtay Jiddah si ay wada-hadallada uga qayb galaan Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka ayaa waxay ku cadaadiyeen dhinacyada ku dagaalamaya Sudan wada hada, maadaama ay soo wajahday xaalad bini’aadantinimo oo xun oo ka taagan dalka Suudaan.
Wadartaas guud, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka, ayaa sheegay in in ka badan 115,000 oo ka mid ah dadkani ay u qaxeen dalalka deriska la ah Sudan Taliyaha ciidamada Sudan Jen Cabdulfataax Al Burhan oo ah madaxweynaha Sudan ayaa dagaal adag kula jira hogaamiyaha RSF Jen Maxamed Xamdan Dagalo oo loo yaqaano Xamadi.
Ku dhawaad saddex toddobaad oo dagaallo culus ay socdeen, ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof waxaana ku barakacay ku dhawaad 450,000 oo rayid ah.