Ankara (KAAB TV) – Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay Waxaa natiija la’aan ku soo dhamaday oo aan laga gaarin wax horumar ah dhowr kulan oo u dhaxeeyay xubno ka mid ah dowladda Somalia oo loo diray in ay la kulmaan Fahad Yaasiin Agaasimihii hore ee Sirdoonka Qaranka si ugu damayn uu ula fadhiisto Madaxweyne Xassan Sheekh.
Sidoo kale, Maalmo ka hor wadanka Turkiga waxaa isku arkay Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Wasiir Faarax iyo Fahad ayaa la sheegay in wax weyn oo la xariira aragtidii la socday aan laga gaarin.
Dhanka kale, Waxaa jiray kulan hore oo ahaa bila ka hor oo agaasimaha NISA Sanbaloolahe uu Turkiga ku soo arkay Fahad Yaasiin kaasoo lagu doonayay in aragtida siyaasadeed ee Fahad iyo Villa Soomaaliya laysku soo dhaweeyo waxaana kulanka ujeedkiisa ugu dambeeya ahaa in uu la kulmo Madaxweyne Xassan Sheekh balse ma noqon mid mira dhal ah.