SO | EN

SO | EN

Wadamo ay ku jirto Soomaaliya oo muwaadiniintoodi laga mamnuucayo gelitaanka dalka Mareykanka

|

Muqdisho (KAAB TV) -Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay jariidada New York Times.

Jariidada waxa ay shaaca ka qaaday in Sharciga cusub ee soo gelitaanka Mareykanka ay saameyn doonta 43 dal, waxaana la sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay soo jeedisay in dalalkan loo kala saaro saddex qeybood.

Muwaadiniinta dalalka ay ku jiraan kooxda koowaad waxaa laga mamnuuci doonaa inay ka gudbaan xadka Mareykanka, sida Yemen, Libya, Syria, Somalia, iyo Sudan, marka lagu daro Afghanistan, Bhutan, Venezuela, Iran, North Korea, iyo Cuba sida kuxusan qorshaha Wasaaradda oo nuqul kamid ah ay heshay jariidadaan.

Qaybta labaad waxay ku soo rogtay xayiraad weyn oo dhanka booqashooyinka Mareykanka waxaana ku jira 10 wadan kuwaasi oo kala ah Russia, Belarus, Haiti, Laos, Myanmar, Pakistan, Sierra Leone, Turkmenistan, Eritrea, iyo South Sudan.

Kooxda saddexaad waxaa ku jira waddama ay muwaadiniintoodu saaran tahay mamnuucid ama gebi ahaanba in ay galaan Maraykanka, waxayna kala yihiin: Angola, Antigua iyo Barbuda, Benin, Burkina Faso, Vanuatu, Gambia, Dominican Republic, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Zimbabwe, Cape Verde, Cambodia, Cameroon, Congo, Liberia, Mauritania, Malawi, Mali, Sao Tome iyo Principe, Guinea, Saint-Centre, iyo Chat.

Dhanka kale, wargeysku wuxuu sharraxay in saddexda liis ay wasaaradda arrimaha dibadda soo saartay dhowr toddobaad ka hor, lagana yaabo in wax laga beddelo.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News