MUQDISHO (KAAB TV) –Wadayaasha baabuurta yar yar ee ka shaqeysta magaalada Muqdisho ayaa muujiyay dareen farxadeed kadib markii dowladda Soomaaliya ay dhimay lacagaha laga qaado mooto Bajaajka, kaddib dibadbaxyo labo maalmood ka socday caasimadda.
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa ku dhawaaqday isbedelladan, iyadoo ka hadashay cabashooyin ka soo yeeray wadayaasha gaadiidka oo noloshoodu ku tiirsan tahay gaadiidkooda.
“Waxaan aad ugu mahadcelineynaa Wasaaradda Gaadiidka oo dhageysatay cabashadayada, lagana dhigay 106.50 Doollar, halka markii hore laga dhigay $300, waxaa sidoo kale laga dhigay 50-Dollar Ganaaxyada dadka lagu xad-gudbayo” ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala magaalada Muqdisho. .
Darawaladan oo u badan dhalinyaro la daalaa dhacaysa shaqo la’aanta ugu badan ee ka jirta caalamka ayaa bogaadiyay go’aanka dowladda. “Go’aanka dowladdu wuxuu nagu dhiirigelinayaa inaan sii wadno oo aan aamino waddankeenna,” mid ka mid ah darawallada ayaa yiri. Mid kale ayaa intaa ku daray “Waxaan ka walaacsanahay nolosha qoysaskeena ka dib canshuur kordhinta, waxaanan ka codsanayaa dowladda inaysan naga hor istaagin nolosheenna iyo shaqadayada.
Isbeddellada Muhiimka ah ee lagu dhawaaqay:
Nidaamyada shatiga: Darawaliintu hadda waa inay xaadiraan dugsiyo waditaan oo la aqoonsan yahay, halkaas oo ay ku heli doonaan tababar ku saabsan badbaadada waddooyinka, calamadaha waddooyinka, iyo farsamooyinka wadista saxda ah. Kuwa haysta shatiga dhacay waxay u baahan doonaan inay dib u cusboonaysiiyaan habraacyada cusub, oo ay ku jiraan dib-u-eegis khasab ah.
Waxka bedelka Khidmadaha:
Kharashka cusboonaysiinta shatiyada ka jira Banaadir ayaa laga dhigay $50.
Lacagta lagu qaadanayo shatiga cusub ee Mootada Bajaajta ayaa lagu sheegay $41.5, waxaana lagu shubayaa Xisaabta kaliya ee Wasaaradda Maaliyadda.
Kharashkii baaritaanka indhaha ayaa hoos loo dhigay $25, halka kharashka baaritaanka caafimaadka jirku uu hadda yahay $15.
Qarashka ku baxaya qaadashada kaadhka dhalashada iyo aqoonsiga qaranka ayaa laga dhigay 10$, iyadoo qofkii aan wadan baasaboor ama aqoonsi qaran laga qaado $15.
Dhaqangelinta: Hay’adaha ammaanka ayaa lagu amray inaysan ganaaxin darawallada Mooto Bajaajta ee heysta shatiga dhacay, marka laga reebo Waaxda Nabadgelyada Waddooyinka oo iyadu awood u leh inay bixiso ganaax. Darawaliinta ruqsada laga joojiyay waa inay dib u galaan imtixaanada lagama maarmaanka ah si ay dib ugu helaan mudnaanta darawalnimada.
Hoos u dhigista khidmadaha ayaa ku soo beegantay xilli aad xasaasi u ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo 67% ay yihiin shaqo la’aan. Wadista Bajaajta ayaa noqotay il dhaqaale oo muhiim ah, koror kasta oo ku yimaada kharashaadka shaqada, sida khidmadaha shatiga gaadiidka iyo canshuuraha, ayaa si toos ah halis ugu ah awooddooda inay masruufaan qoysaskooda.
Mid ka mid ah dhalinyarada darawalada ah ayaa sidoo kale ka codsaday wasaaradda gaadiidka in ay furto wadooyinka caasimadda ee xiran, waxa uuna tilmaamay in ciidamada ay xadideen in gaadiidka ay maraan wadooyinka muhiimka ah qaarkood, taasi oo sii adkeyneysa shaqadooda.

