SO | EN

SO | EN

Waddada Taiwan Avenue oo Hargeysa laga daahfuray

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Waddada Taiwan oo dhererkeedu gaarayo 6km laguna dhisay deeq ay bixisay dowladda Taiwan ayaa laga hirgaliyay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ka qeyb galay munaaabadda xarigjarka waddadan cusub.

“Mashruucaan waxaa markiisii hore billaabay Duqa Hargeysa Mooge. Ujeedkuna wuxuu ahaa in noqdo albaabka isku xiraya Garoonka Diyaaradaha Cigaal iyo magaalada Hargeysa,” ayuu yiri danjire Allen Lou.

Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa, Allen Lou wuxuu xusay in isaga iyo dawladiisa Taiwan ay aad ugu faraxsan yihiin hirgalinta mashruucan oo ay Taiwan taageertay.

“Waxaanu ka sheekeysanay inaanu u baahanahay in dadka fahamsiinno muhimadda ay leedahay iskaashiga Somaliland iyo Taiwan.

Duqa Hargeysa Cabdikariin Mooge ayaa sheegay in waddadan ay wax weyn ku kordhineyso bilicda iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha magaalada.

Waddada Taiwan oo laga daahfuray magaalada Hargeysa.
Waddada Taiwan oo laga daahfuray magaalada Hargeysa.

Waddadu waxay isku xireysaa Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport iyo magaalada.

“Ujeedkayagu waa inaan u mahadcelino dowladda Taiwan oo nagu taageertay dhismaha waddadan. Mashruucan waxaa wada jir u billaabay Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo Dowladda Taiwan,” ayuu yiri Mooge.

Mooge ayaa sheegay in intii ay socotay dhismaha waddadan ay ka hor yimaadeen caqabado badan, taasina ay keentay in laga tanaasulo naqshaddii koowaad ee waddada.

Dhismaha waddadan cusub ayaa la rajeynayaa inay fursad isu socod siin doonto malaayiin ruux oo ku nool ama u soo shaqo taga caasimadda Hargeysa, iyadoo garoonka Cigaal uu yahay kan ugu weyn Somaliland.

Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa, Allen Lou.
Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa, Allen Lou.

Xiriirka Taiwan iyo Somaliland, oo labaduba aan heysan aqoonsi caalami ah, ayaa xiriirkoodu sii kordhayay waayadan dambe.

Sannadkan horraantiisii waxay Taiwan  ku dhawaaqday mashruuc kale oo ah dhismaha isbitaal guud oo laga hirgalinayo Hargeysa kaasoo ay ku bexeyso illaa 22 milyan oo doolar.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News