SO | EN

SO | EN

Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo soo gaaraay magaalada Muqdisho + ujeedka

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xogo hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in wafdi ka socda dowladda Itoobiya ay saacadihii lasoo dhaafay soo gaareen magaalada Muqdisho, xogtan ayaana laga qariyay warbaahinta.

Sidoo kale, wafdigan ayaa ka kooban wasiirka gaashaandhigga Itoobiya wasiir dowlaha arrimaha dibadda Itoobiya iyo taliyaha ciidanka xoogga Itoobiya.

Dhanka kale, wafdigan ayaa lagu soo waramayaa in ay Muqdisho u yimaadeen dhameystirka heshiiskii Ankara ku dhexmaray Abiy Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo uu garwadeen uu kahaa madaxweynaha dalka Turkiga Mr Erdogan.

Sikastaba, imaanshaha wafdigan ayaa kusoo aadeysa iyadoo DF xalay ku dhawaaqday in ciidanka Itoobiya u ogolaatay in ay qeyb ka noqdaan howlgalka nabada ilaalinta Soomaaliya ee AUSOM, iyadoo ay maalmo ka hor shirka golaha Qaramada Midoobay looga dhawaaqay in holwgalka nabad ilaalinta Soomaaliya AUSOM laga reebay Itoobiya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News