SO | EN

SO | EN

Wafdi ka socda dowladda Kenya oo Muqdisho uyimaaday xalinta khilaafka DF & Jubbaland

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wafdi ka socda dowladda Kenya.

Sidoo kale, Wafdigan ayaa Dowlada Kenya waxay u soo xilsaartay iney dhex-dhexaadiyaan madaxda DF iyo Axmed Madoobe oo khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo kaasoo la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

Dhanka kale, xubnaha Wefdigan oo uu ku jiray Madaxa Sirdoonka Kenya Nuuradiin ayna ka mid ahaayeen Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow waxay Kismaayo kula la soo kulmeen Axmed Madoobe, iyagoo kala hadlay xalinta khilaafaadka kala dhexeeya DF.

Wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto waxeyna ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorka dowladda Kenya ee ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka.

Sikastaba, Weftiga waxay sugayaan Madaxweyne Xasan oo Caawa Xamar ku soo jeedaa kana soo laabanaya Sacuudiga marka ay la kulmaana, waxay dib ugu laaban doonaan Kenya, lamana filayo in wafdigan ay cadaadis ku saaraan Axmed Madoobe inuu aqbalo joojinta doorashada dadban ee uu ku qabsanayo Kismaayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News