SO | EN

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galaya Mareykanka

|

New York (Kaab TV) – Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo shir heerkiisu sarreeyo.

Shirkan ayaa waxaa yabooh dhaqaale loogu sameyn doona dalalka Geeska Afrika oo qeyb ka tahay Soomaaliya, oo sanadihii dambeeyay ay abaaruhu saameyn xooggan ku yeesheen.

“Waxaan saaka soo gaaray magaalada New York si aan uga qayb-galo shir heer sare ah oo yabooh dhaqaale loogu samayn doono wadamada geeska Afrika ee sanadihii la soo dhaafay ay abaaruhu saamaynta xun kaga tageen” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Soomaaliya ayaa waxay shirweynaha la wadaagi doonta waxyaabaha qeybta ka ah abaaraha soo noq-noqday iyo isbeddelka cimiladda, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

“Waxaan shirka la wadaagi doonaa waxyaabaha qaybta ka ah abaaraha soo noqnoqday iyo daadadka xilli roobaadka, oo ay ugu weyntahay saamaynta isbeddelka cimiladu.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News