SO | EN

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo gaaray gobolka Gedo

|

Gedo (KAAB TV) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo kajiraan xiisad siyaasadeed oo udhexeyso Jubbaland iyo DF.
Sidoo kale, Wafdiga madaxweyne kuxigeenka waxaa Doolow kusoo dhaweeyay Wasiirka amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal, duddoomiyaha degmada Maxamed xuseen Cabdi Lafay iyo masuuliyiin kale, oo katirsan maamulka degmada Doolow.
Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Gedo kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta gobolka.
Imaatinka madaxweyne kuxigeenka Jubbaland, ee degmada Doolow ayaa timid kaddib markii DF ay gabi ahaanba joojisay duulimaadyadii tagi jiray degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo maalmo kahor hawada ka celisay diyaarad lasheegay in ay hub iyo saanad ciidan usiday guddoomiyaha degmada Doolow, kaas oo hadda taabacsan maamulka Axmed Madoobe.
Sikastaba, imaatinka madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ee degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya maalmo un kaddib markii wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka ammniga gudaha DF uu gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo hadda kulamo kala duwan laqaadanaya maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Doolow.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News