SO | EN

SO | EN

Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano oo gaaray Laascaanood kahor booqashada Xamse ee halkaasi

|

Laascaanood (KAAB TV) – Wafdi wasiiro iyo xildhibaano isugu jiro ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre safar lafilaayo in uu halkaasi kutago saacadaha soo socdo.
Sidoo kale, maamulka iyo Bulshada magaalada Laascaanood ayaa si diiran garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyey wafdigaan ka socda dowladda federaalka, ee hordhaca u ah Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Dhanka kale, hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC Khaatumo ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan haatan.
Soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tan iyo markii uu shaaciyay booqashadiisa magaalada Laascaanood waxaa halkaasi kusii qul qulaya wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaare Xamse iyo ilaaladiisa gaarka, iyadoona booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse ay siweyn u diidantahay maamulka Soomaaliland, oo goor sii horeysay soo saartay digniino ku aadan in uusan Xamse imaan magaalada Laascaanood.
Sikastaba, booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse ee magaalada Laascaanood, ayaa noqoneysa taariiqda Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyay booqda halkaas muddo ku siman 30 sano, iyadoo ay xusid mudantahay in madax ka socoto DF ay halkaasi booqato uu ugu dambeeyay madaxweynihii labaad ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News