LUUQ (KAAB TV) – Wajiga labaad ee nabadeynta colaaddii ka dhacday degmada Luuq ee u dhexeysay beelaha Macalin Wayne iyo Gabaawayn ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland. Colaaddan ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dad ka badan 700 ay ku barakaceen.
Ugaaska guud ee Beesha Macalin Wayne, Ugaas Cali Iimaan Cabdi, iyo Malaaqa guud ee Beesha Gabaawayn, Malaaq Axmed Adan Laamoow, ayaa si wadajira baaq nabadeed ugu diray dhammaan dhinacyada ay quseyso nabadgelyada degmada Luuq. Labada masuul ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadaha iyo xiisadaha, iyagoo adkeeyey muhiimadda nabadda iyo wadajirka bulshada deegaanka.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, iyo saraakiisha Jubbaland ayaa ku dhiirrigeliyey dhinacyada isku haya in ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan si xal waara looga gaaro khilaafaadka jira. Waxay sidoo kale tilmaameen in muhiim ay tahay in la ixtiraamo xuquuqda bini’aadanka, lagana fogaado wax kasta oo sababi kara dhaawac iyo barakac dheeraad ah.
Waxaa la isla gartay in bulshada deegaanka la geliyo dadaal dheeri ah oo lagu xoojinayo is-dhexgalka iyo is-fahamka, si looga hortago wax kasta oo horseedi kara colaado hor leh. Ugaaska, Malaaqa, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, iyo saraakiisha kale ayaa carrabka ku adkeeyey in wadajir iyo isku-duubni ay yihiin kuwa kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta iyo horumar joogto ah. Waxay ugu baaqeen dadka deegaanka iyo hoggaanka dhaqanka in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa amniga iyo xasilloonida degmada Luuq, isla markaana loo caawin lahaa dadka barakacayaasha ah si ay dib ugu soo laabtaan noloshoodii caadiga ahayd.
Waxaa la filayaa in wajiga labaad ee nabadeynta uu horseedo deganaansho iyo nabad waarta oo ka hanaqaada degmada Luuq, iyadoo la rajeynayo in dadkii barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, isla markaana la helo xal waara oo ku saleysan nabadgelyo iyo wada noolaansho.