MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa hadda la xaqiijiyay tegitaanka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, oo shaqada ka tagaysa bisha May, ka dib markii ay isku dheceen Villa Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay.
Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka codsadeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay in la beddelo Catriona Laing oo hal sano kaliya shaqeyneysay.
Kaab TV ayaa ogaadey in Villa Somalia ay muujisay inaysan ku qanacsaneyn kaalinta firfircoon ee Laing, oo ay ku jiraan warbixinnadii ay siisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay kaga hadashay arrimo ay ka mid yihiin dagaalkii Laascaanood, khilaafyada dastuurka, iyo u dhowrista xuquuqda haweenka iyo gabdhaha.
Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud aya dhowr jeer isku dayday inay faragalin ku sameyso hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse hawlgalka ayaa ku adkeystay inuu ka madax bannaan yahay siyaasadaha is diidan ee Soomaalida.
Mrs. Laing, oo ah Dublamaasi rug-caddaa ah oo u dhalatay UK, ayaa ahayd Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya tan iyo horraantii May 2023.
Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay bixitaanka Danjire Laing ee la filayo bisha May 2024.
“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan door muhiim ah oo lagu taageerayo Soomaalida wadada nabadda iyo xasilloonida, aniga ahaan, Soomaaliya waa goob Rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u doodista Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Ms. Laing, oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Shaqada halka sano ah ee Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxay ku egtahay 21ka May.
Danjire Laing ayaa noqonaya ergaygii labaad ee Qaramada Midoobay oo dalka ka taga ka dib markii ay isku dhaceen Villa Somalia.
Bishii Janaayo 2019, ergeyga Qaramada Midoobay Nicholas Haysom ayaa la ceyriyay ka dib markii uu dhaliilay dad rayid ah oo lagu laayay magaalada Baydhabo.
Haatan, Soomaaliya waxaa soo food saartay kala qeybsanaan xooggan oo ka dhalatay isbedel lagu sameeyay dastuurka iyo amni darada sii kordheysa ee suurta gelisay in Al-Shabaab ay dib u sii xoogeystaan.