SO | EN

SO | EN

War cusub: Madasha samatabixinta mucaaradka oo kulan deg deg kuleh muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa maanta lagu wadaa in kulan deg deg ah ay magaalada muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan madasha samatabixinta mucaaradka Soomaaliya.

Sidoo kale, kulan ayaa looga hadli doonaa shir ay dhowaan yeesheen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo qoddobo kale.

Dhanka kale, shirkan ayaa lafilayaa in ay kasoo baxaan qoddobo laxiriira in madasha samatabixinta mucaaradka aysan kasii mid ahaan doonin xubnihii lashiray madaxweyne Xasan Sheekh ee go’aanka lagaaray, madaama lagu tuhmaayo in ay xiriir hoose la leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar hoose oo an heleyno ayaa sheegaya in madasha samatabixinta mucaaradka ay kusoo biiri doonaan maalmaha soo socdo siyaasiyiin miisan culus, oo ay kamid yihiin qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Sikastaba, mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wali isku heysta hannaanka doorasho ee dalka ka dhici karta 2026, iyadoo uu madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in wixii ummada Soomaaliyeed ay ka balan qaadeen ay fulin doonan, balse natiijada hadda muuqata ayaa ah mid dib loogu laaban doono doorashadii dad baneyd ee dalka ka dhici jirtay afartii sanaba mar.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News